Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda & Shacabka Jabuuti written by Warsan Radio 27/06/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda & Shacabka Jabuuti was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 12/06/2017 DHageyso;- Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 19/10/2022 Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Muqdisho 07/09/2020 Duqeyn iyo dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Barri 22/07/2020 Dhageyso:-Dood ku saabsan Cadaalada gaar ahaan haweenka iyo xaquuqdooda. 21/09/2020 Kongareeska oo ansixiyay guushii Joe Biden 07/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/07/2021 Labadda Kuuriyo oo Rasaas isku weydaarsaday xuduuda 03/05/2020 AS oo Weerartay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS 19/11/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.