15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay written by Warsan Radio 27/07/2022 Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba maalmood oo mudaaharaadyo ka socdeen bariga dalka Congo, kuwaas oo looga soo horjeeday hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi, sida ay masuuliyiintu sheegeen.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta nabad-ilaalinta oo u dhashay Morocco iyo laba booliis caalami ah oo u dhashay Hindiya la dilay.Sidoo kale nin booliis ah oo u dhashay Masar ayaa lagu dhaawacay saldhigga Qaramada Midoobay ee Butembo ee gobolka Waqooyiga Kivu markii “Weerarayaal rabshado wata ay hub ku furteen booliiska Congo” oo lagu toogtay shaqaalaha Qaramada Midoobay.Ku xigeenka af-hayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutrerdos uu si adag u cambaareeyay weerarkii lala beegsaday iyo rabshado lagu bartilmaameedsaday dhowr saldhig oo ay leedahay Qaramada Midoobay.Haq, ayaa sheegay in Talaadadii “boqolaal gacan ku dhiiglayaal ah” ay weerareen saldhigyo ku yaalla magaalada Goma iyo qeybo ka mid ah waqooiga Kivu.Haq wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan afar dhacdo lala beegsaday guryaha shaqaalaha howlgalka Qaramada Mdoobay, kuwaas oo hadda loo raray xeryaha Q.M, wuxuuna sheegay in dad shacab ah ayaa sidoo kale isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay Talaadadii, laakiin sida uu sheegay ay iska caabbin kala kulmeen ilaalada xaruntaas.Booliska Congo ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay Goma Isniintii, iyo siddeed qof oo rayid ah oo lagu dilay Butembo, waxaana goor sii horreysay, afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya uu sheegay in ugu yaraan shan qof la dilay, ku dhawaad 50 kalena ay dhaawacmeen Isniintii. 15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dil ka dhacay magaalda Burco & faah faahin kasoo baxeysa next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/09/2021 Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulan la qaatay Safiirka wadanka UK 20/09/2021 VIDEO Xaflad Lagu Caleema saareyey Gudoomiyaha & Xogayaxa Midowaga Ardada Jamacada UPJB ayaa Ka dhacadey 18/03/2017 Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaad 2 sano kadib magacaabay golihiisa wasiiradda 20/05/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 20/10/2017 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kulamo ka bilaabaya Dooxa 05/09/2023 Dhageyso:-Lixdan Ardey oo Xifdinta Qur’aanka Karimka Dhameysatey oo maanta Qalin Jabintoda Ka dhacdey baydhabo 09/11/2017 AKHRISO:-Dowlada Japan oo Maraakiib dagaal u soo dirty xeebaha Soomaaliya 31/03/2017 Dowlada Federalka oo si kulul u eedesay xukuumada Imaaraadka Carabta 21/02/2021 Kulan xasaasi ah oo hadda u socda guddoonka BF iyo madaxweynayaashii hore 28/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.