Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux written by Warsan Radio 31/07/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka Buulaay ee Gobolka Baay waxaa ay ku tooogteen 7 rag ah oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.Fagaaraha oo ay ku sugnaayeen Boqolaal Ruux oo ay ku amreen inay kasoo qeyb galaan daawashada toogashada raggaas ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ragga la toogtay ay Magacyadooda kala ahaayeen.1:- Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag katirsan Al-Shabaab oo la dilay.2: Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino kusaabsan saraakiil katirsan Al-Shabaab.3-: Cali Maxamed Madoowe oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar Maamulka Koonfur Galbeed ay kudileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.4: Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.5:- Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.6: Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.7:- Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.Al-Shabaab ayaa dhwr jeer sidaan oo kale Fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo dowladaha Caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen next post Sawirro:-Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay wafdi ka socday QM You may also like Maxaa looga hadlayaa Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore? 12/07/2023 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha Dooxa 16/12/2019 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 31/08/2022 Sawiro;-Olole Nadaafadeed Oo Maanta Laga Sameeyey Deegaan Numbar Konton Ee Gobolka Shabeelaha Hoose 30/08/2022 Dhageyso:-Gudoomiyaha Gudiga Madxa Banaan ee Dastuurka Dalka Xildhibaan maryan Cariif 18/08/2016 Milatariga Mali oo shaaca ka qaaday in ay soo dhisi doonaan dowlad Kumeel Gaar ah. 19/08/2020 Shiinaha oo siidaayay Askar iyo Saraakiil u dhashay Hindiya 20/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/10/2019 Kulamo horudhac u ah shirka doorashada oo ka socda Muqdisho 21/05/2021 SAWIRRO:.Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Degmada Cadale 10/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.