Baydhabo-{WMN}- Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganeey oo kamid ah Barlamaanka Hirshabeelle ayaa Taliyaasha Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne ugu baaqay hadii aysan ka hor tagi Karin qaraxyada in ay iska Casilaan xilka ay haayan.
Xildhibaan Sharmaarke ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qaraxyo is xig xigay ay ka dhacaan magaalada Baladweyne iyadoo ay Joogan Taliyaashii Amaanka Sida Booliska Nabad-Sugida isla markaana aysan jirin cid looso qabtay oo loo maxkamadeeyey kuwii horey u dhacay.
Sdioo kale Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ugu baaqay in doorkiisa uusan ku koobin tacsi ee uu dhibaatada la qeeyb sado shacabka reer Baladweyne ee Masiibada ku dhacday.
ugu danbeeyn Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka dhibaatada Gaartay.