Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha written by Warsan Radio 13/12/2022 Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda. Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah. Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo dil lagu xukumay next post Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/09/2022 Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq ka soo saaray dagaalka Tukaraq 15/05/2018 Soomaaliya oo qarka u saaran inay lumiso codkeeda Qaramada Midoobay 03/06/2021 Akhriso:-AMISOM oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay Nabbadda ka shaqeeyaan 22/08/2018 Kulankii xildh. taagersan Farmaajo oo dhaafi waayay 78 iyo Farmaajo ay la soo daristay cabsi hor leh 16/12/2018 madaxwaynaha Somaliland oo shir layeshay madaxda qaranka 26/08/2023 Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Daaru-nicma & Dagaal Culus oo Maanta ka socda 04/09/2023 Kuuriyada Waqooyi oo ka hadashay hubka la sheegay inay siisay Xamaas 17/10/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 18/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.