Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan written by Warsan Radio 24/12/2022 Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.Weerarkan ayaa ahaa mid is-difaac ah, sida uu sheegay taliska ama AFRICOM, waxaana lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn hore, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay.Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.Markii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah duqeyntaan ay dhacdo.Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay bishii May codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si looga hortago kooxda argagixisada ah. Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsan was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris next post Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega You may also like Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dhimashada & dhaawaca weerarkii Hotelka 21/08/2022 Ololaha Muslimiinta ku diidayaan iibsiga alaabaha laga keeno FRANCE 27/10/2020 Ku dhawaad 23 Tahriibeyaal oo ku dhintay Xeebaha Tunisia iyo kuwa kale oo lagu la’yahay 09/09/2022 Soomaaliya oo Maanta la filayo in laga cafiyo deynta Caalamka ku leeyahay 13/12/2023 RW Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha 17/09/2021 Dhageyso: Barnaamijka kulanka Warsan 11/06/2023 Weerar lagu diley 35 qof oo Shacab ah 25/12/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/10/2020 Maamulka Puntland oo war ka soo saaray iscasilaada guddoonkii guddiga doorashooyinka ee Puntland. 03/01/2022 Dil ka dhacay Magaalada Baladweyne iyo faah faahin kasoo baxeysa 03/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.