Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada written by Warsan Radio 05/01/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Odayaal & Waxgarad ku dhawaaqay in Somaliland u ogolaan doonin Magaalada Laas-Caanood. next post Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 06/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2019 Madaxweynaha Waare Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho 27/07/2020 Israel oo duqeysay goob ay Ururka Xisbullah Ku xoogantahay Koonfurta Lubnaan 26/08/2020 DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/03/2020 UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriira 15/12/2020 Maamulka Koonfur Galbeed oo cadeeyay sababta loo xiray Wariye Mukhtaar Catooosh 22/04/2020 Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo heshiiska xakameynta diyaaradaha hubeysan uu horay u galay 22/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/10/2023 DFS oo dowladda Suudaan kala hadashay joojinta lacag lagu soo rogay Ardayda 05/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.