
Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee KGS ayaa maanta xukun Dil toogasho ah kufulisey Axmed Abdulaahi Maxamudd oo shaley magaalada Baydhabo ku diley Abshir Xasan Abdiraxmaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah Dilkaas oo kadhacey xafiis uu kashaqeynaayey marxuumka ladiley.Maxkamada oo u Fariisatay dhageysiga Kiiskan ayaa xukun dil ah kasoo saartay kadib dhegeysiga Kiiska.
Goobta qisaasta ay ka dhaceysey oo ahayd Duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada KGS,Saraakiil Ciidan,Maamulka Degmada iyo shacab aad utiro badan oo Ay kujireen Ehelada marxuum Abshir.








