
WMN-Xafiiska Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in Mr. Biden oo 82 jir ah laga helay nooc halis ah oo kansarka ah, kaas oo sidoo kale ku faafay jirkiisa.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno caafimaad oo la sameeyay ay dhakhaatiirtu ku ogaadeen buro ku taal qanjirka prostate-ka, taas oo markii dambe la xaqiijiyay in ay tahay kansar.
Xogta la shaaciyay ayaa muujinaysa in xaaladda caafimaad ee Biden ay tahay mid u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, iyadoo dhakhaatiirtu ay bilaabeen qorshe daaweyn oo dhameystiran.
Joe Biden, oo xilka madaxweynenimo hayay intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2025, ayaa horey u sheegay inuu sii wadi doono howlo siyaasadeed oo gaar ah inkasta oo uu si rasmi ah uga fariistay doorashada madaxtinimo ee 2024.
