
Dowladda Mareykanka iyo Taliska howlgalka AUSSOM ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira dagaalka AS iyo dardar galintiisa.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Wakiilka cusub ee Howlgalka AUSSOM ayaa waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada socda iyo sugida Amniga Soomaaliya.
Wakiilka cusub ee Howlgalka AUSSOM ayaa sheegay in ay dardar galin doonaan dagaalka dhinacooda, iyagoo kaashanaaya ciidanka dowladda Federaalka.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in ay taageerada dhinaca duqeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ku caawin doonaan si loo xoojiyo dagaalka AS.
Kulanka Wakiilka Howlgalka AUSSOM iyo Safiirka Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli weli dowladda wado dagaal ka dhan ah AS.
