
Hay’adda ka shaqaysa dhinaca badbaadinta Carruurta (Save The Children) ayaa warbixin ay soosaartay ku sheegtay in ay heleyso xogo muujinaya digniinta xaaladda macluusha ah ee sababi karta in ay dhintaan carruur ku nool Dalal badan oo Afrika ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in saddexda bil ee soo socota in saadaasha la muujinayo aanay wanaagsanayn marka la eego taageerrada cunnada degdega ah iyo Maraykanka oo kol hore jartay caawinaaddii uu siinayay Dalal kala duwan.
Madaxa Hay’adda Save The Children ee Bariga iyo Koofurta Afrika Yvonne Arunga ayaa sheegtay in 3.5 Milyan oo carruur ah oo da’ ahaan ka yar 5 sano ay nolol xumo ku haysato Dalka Nigeria, waxa ay u dalabtay gargaar degdeg ah haddii loo heli karo.
“Qiyaas sida ay muhiim ugu tahay carruurtaan in ay helaan badbaado dhab ah, kaalmo ay helaan waxa ay badbaadin kartaa naftooda si aanay u galaafan macluusha” ayay tiri Yvonne Arunga, Madaxa Save the Children ee Bariga & Koofurta Afrika.
Hay’adaha sida gaarka ah uga shaqeeya arrimaha bani aadamnimada ee Qaramada Midoobay hoostaga ayaa waayay nambar weyn oo ah kaalmadii ay bixinayeen kaddib markii Maraykanka uu si toos ah uga jartay dhaqaalihii uu ku dhinac taagnaa.