
Dowladda Eswatini ee dhacda Koofurta Qaaradda Afrika ayaa 32 sarkaal oo Booliis ah ku biirisay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, waxa ay soo dhammaysteen tababar la xiriira waxyaabaha looga baahan yahay sida ay ku warrantay Warbaahinta Dalkaas.
Waxaa la baray shuruucda Askarta Nabad ilaalinta looga baahan yahay, ku dhaqanka xeerarka dalka ay ka howlgalayaan iyo waxyaabaha ka reeban ama laga doonayn in uu ku dhaqaaqo askariga sida hadalka loo dhigay.
Waxa ay saraakiishaan ku biirayaan howlgal ay uga horreeyaan Dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda & Zambia kuwaas oo askartooda la shaqeeya ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay ka caawiyaan tababarrada iyo la howlgalka.
Boqortooyada Eswatini waa dalkii todobaad ee howlgalka Booliiska Midowga Afrika qayb ka noqda, sababta loogu biiriyay ayaa ah in la raaco go’aankii horay loo gaaray ee lagu dhimayay Ciidamada Militariga ah ee AUSSOM si loo yareeyo ku tiirsanaantooda.
Eswatini waxaa horay loo oran jiray Swaziland, waxa ay xuduud la wadaagtaa Dalka Koofur Afrika, Bulshadiisu waa 1.2 Milyan oo ruux sida ku cad daraasaddii ugu dambaysay ee Bangiga Adduunka sameeyay sanadkii 2024.
Bulshada guud ee Dalka Eswatini waxaa ka badan dadka ku nool Gobolka Banaadir oo daraasaddii ugu dambaysay lagu sheegay in ka badan 3 Milyan oo ruux halka wadarta dadka dalkaas ay yihiin 1.2 Milyan oo qof.