
Dowladda Jarmalka ayaa baaraysa Nin gaari dulmariyay Dad rayid ah kaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen 20 kale, waxaana la sheegay in 3 kamid ah dadkaas uu soo gaaray dhaawac darran.
Dhacdadaan waxa ay ka dhacday Magaalada Leipzig, waxaana baaris lagu hayaa Ninka Jarmalka u dhashay oo 33 sano jir ah oo haddii la xaqiijiyo caafimaad qabka maskaxdiisa mutaysan karo xabsi ciqaab adag ah sida ay ku warrameen sharciyaqaannada.
Ciidamada Booliiska ayaa dadka ku wargeliyay in ay isdejiyaan oo gacan adag oo sharci ah lagu hayo Ninkii dhibaatada gaystay, waxaana hay’adaha ammaanka la faray in ay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhacdo taasi lamid ah.
Dalal badan oo Yurub ah waxaa kusoo kordhay Gawaarida dadka lagu jiirsanayo iyada oo meelaha ugu badan ee lagu beegsanayo ay noqdeen goobaha laga dukaamaysto maadaama halkaas ay isugu tagaan dad kasoo adeeganaya.
