
Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka qabsoomay kulan ay yeesheen Wasiirrada Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler.
Sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga, kulanka ayaa diiradda lagu saarey iskaashiga walaaltinimo, istaraatiijiga ah, islamarkaana soo jireenka ah ee dhinaca difaaca ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa isku raacay in al sii xoojiyo taageerada Turkiye siiso Soomaaliya ee dhinaca tababarka iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir diblumaasiyeed oo dhow, waxaana hore labada dowladood u wada saxiixdeen heshiisyo ku qotoma dhinacyada Amniga iyo Difaaca.
Turkiga ayaa tababaro siiya ciidamada dowladda, si ay awood ugu yeeshaan dagaalka AS iyo Daacish oo ka socda gudaha dalka.
