Soomaaliya ayaa ku biirtay isbahaysi ciidan badeed oo cusub oo ay hoggaaminayso Sacuudi Carabiya, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga marin-biyoodka Bab al-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameynaya maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Isbahaysigan oo loo bixiyay Multinational Maritime Defense Alliance ayaa waxaa ku mideysan Sacuudi Carabiya iyo 13 dal oo kale. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, ujeeddadiisu waa in la xoojiyo iskaashiga difaaca badda, lana ilaaliyo xorriyadda maraakiibta iyo marinada ganacsiga ee isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Mediterranean-ka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiska, waxaana sidoo kale xubno ka ah Turkiga, Masar, Pakistan, Jabuuti, Yemen, Qatar, Baxrayn, Kuwait, Urdun, Bangladesh, Suudaan iyo Comoros.
Kulankii lagu dhisay isbahaysiga waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday 43 waddan iyo Midowga Yurub.Ku biiritaanka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah leh maaddaama dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, isla markaana uu ku yaallo Gacanka Cadmeed oo ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka.
Bab al-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaa mara qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga badda ee dunida, oo ay ku jiraan malaayiin foosto oo shidaal ah maalin kasta.
Isbahaysiga cusub ayaa la dhisay iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku beegsanayaan maraakiibta maraysa Badda Cas iyo Bab al-Mandeb, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga maraakiibta iyo xasilloonida suuqyada tamarta ee caalamka.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa lagu sheegay in howlaha isbahaysigu ay ka koobnaan doonaan wadaagga xogaha sirdoonka, qorshaynta hawlgallada, tababarrada wadajirka ah iyo iskaashiga lagu sugayo amniga badda.
Waxa kale oo lagu adkeeyay in isbahaysigu yahay mid difaac oo keliya ah, islamarkaana aanu bartilmaameedsanayn dal gaar ah.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale sheegtay in albaabku u furan yahay dalal kale oo doonaya inay ku biiraan isbahaysiga, marka ay dhammaystiraan habraacyadooda gudaha.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu horreeya ee saxiixay heshiiska cusub, kaas oo la filayo inuu door ku yeesho amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
