Isniin 3 Agoosto 2026 Dhulgariir xooggan oo lagu qiyaasay 5.9 ayaa aroornimadii Isniinta ku dhuftay bariga Masar, iyadoo gariirka si weyn looga dareemay Qaahira, Giza, Ismaaciiliya, Suweys iyo gobollo kale.
Dad badan ayaa hurdada kaga toosay gariirka, halka malaayiin isticmaale oo Android ah ay heleen digniin dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan dhulgariirku dhicin.
Warbaahinta caalamka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in dhismayaal badan ay ruxmeen, dadka qaarkoodna ay si degdeg ah uga baxeen guryahooda iyagoo ka cabsi qabay burbur ama gariirro daba socda.
Baraha bulshada waxaa si weyn loogu baahiyay muuqaallo muujinaya dadka oo waddooyinka isugu soo baxay.

Sawirka idin muuqda wuxuu muujinayaa digniinta Android Earthquake Alerts System, uuna xarunta isticmaaleha uga dhacay qiyaastii 75 mayl (120 km).
Sawirada warbaahintu baahisay wuxuu muujinayaa digniinta, taasoo sheegaysa in dhulgariirku lagu qiyaasay 5.9.
Ilaa hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya khasaare ballaaran oo dhimasho ama dhaawac ah.
Hay’adaha Masar ayaa bilaabay qiimeynta xaaladda, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la soo saaro warbixino dheeraad ah haddii waxyeello la xaqiijiyo.
Khubarada dhulgariirrada ayaa xusay in dhulgariirkan uu ka mid yahay kuwii ugu xoogga badnaa ee Masar laga dareemo sannadihii u dambeeyay.
Waxay sidoo kale ka digeen suurtagalnimada gariirro daba socda (aftershocks), inkastoo aysan taasi mar walba dhicin.
Dowladda Masar ayaa ugu baaqday shacabka inay raacaan tilmaamaha hay’adaha gurmadka, kana fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin, iyagoo sugaya warbixinnada rasmiga ah.
Wixii kusoo kordha waa idinla wadaagi doonaa inshallah
author – Omar ibrahim
