Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa kulan uu shir guddoomiyay Hoggaamiyaha maamulka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo nabadgelyada, xaaladda siyaasadeed iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarineed ee maamulka.
Wasiirrada ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.
Waxaa sidoo kale la isla eegay sidii loo xoojin lahaa howlaha dowladda iyo waxqabadka hay’adaha maamulka.Dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay taageerada bulshada ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa wasiirrada ku boorriyay in la dardargeliyo howlaha dowladda, lana xoojiyo siyaasadaha iyo qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha shacabka iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Koonfur Galbeed ay wajahayo caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, iyadoo dowladda maamulku ay sheegtay inay xoogga saarayso xoojinta xasilloonida iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Afhayeenka madaxtooyada DGKS ustaad xaayow ayaa ka warbixiyay “Shirka maanta golaha wasiirada KGS ku yeesheen waxaa xooga lagu saaray amniga iyo horumarinta bulshada”.

