Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku boorriyay Guddiga Haweenka, Carruurta iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka inay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu muhiim u yahay diyaarinta iyo dardargelinta sharciyada horyaalla Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta iyo guud ahaan bulshada.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in sharciyada la diyaarinayo ay noqdaan kuwo tayo leh, waafaqsan Dastuurka dalka, isla markaana tixgelinaya xuquuqda iyo danaha bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si dhow isaga kaashadaan howlaha sharci-dejinta, si loo helo xeerar wax ka tari kara baahiyaha bulshada iyo horumarinta nidaamka dowladnimo.
Wada-shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta Golaha Shacabka iyo hay’adaha ay khuseyso ayaa la filayaa inay gacan ka geysato dardargelinta sharciyada muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

