Muqdisho — 14 Sebtembar 2026: Maraakiib dagaal oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga ayaa dhoolo tusyo ciidan ka sameeyay biyaha Soomaaliya, iyadoo howlgalku qayb ka yahay Hawlgalka Kooxda Badda Soomaaliyeed iyo kan badweynta hindiya (Somali Sea Task Group and international indian ocean H-ZONE).
Dhoolo tuskan ayaa lagu sheegay kuwo lagu soo bandhigaayo isku-duwidda iyo diyaar-garowga ciidamada badda, iyadoo Turkigu uu muddooyinkii dambe door muuqda ku lahaa taageerada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.
Hawlgalka Somali Sea Task Group ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhinaca amniga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha dhuleedkeeda iyo amniga badda.
Tababarradan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo ilaalinta kheyraadka iyo xuduudaha badeed ee dalka.



