Dowladda Mareykanka ayaa Devin Kennington u soo magacaabay inuu noqdo Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Kennington ayaa noqonaya diblomaasiga cusub ee Washington u soo diray Soomaaliya, xilli xiriirka labada dal uu si weyn ugu saleysan yahay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, xasilloonida siyaasadeed iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, uu xilka ka tagay dabayaaqadii 2025.
Si kastaba, Kennington weli wuxuu u baahan yahay in magacaabistiisa loo maro habraaca ansixinta Senate-ka Mareykanka ka hor inta uusan si rasmi ah xilka ula wareegin.
Haddii la ansixiyo, Kennington wuxuu Muqdisho ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

