Baydhabo, 15 Sebtembar 2026 — Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, Cali Aadan Maxamed Cali Taagey, ayaa soo saaray amar ku saabsan dadka degan dhulka Dowladda, gaar ahaan agagaarka Hotel Eedan ee magaalada Baydhabo.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Saldhigga Booliska Baydhabo ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulka Dowladda ee ku yaalla agagaarka Hotel Eedan looga baahan yahay inay ka guuraan goobta, kaddib markii ay Dowladda Koonfur Galbeed sheegtay in dhulkaasi yahay dhul ay dowladdu leedahay.
Amarka ayaa lagu faray dadka halkaas deggan inay ka guuraan goobta muddo 10 maalmood ah, taas oo ku eg 23-ka Sebtembar 2026. Sidoo kale, dadka laga dalbaday inay goobta baneeyaan waxaa lagu wargeliyay in haddii ay fulin waayaan amarka, laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Qoraalka ayaa xusay in dadka degan dhulkaasi ay ka mid yihiin qoysas iyo dad deggan guryo ku yaalla aagga, iyadoo boolisku ku amray inay u hoggaansamaan awaamiirta Dowladda.
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo ayaa sidoo kale sheegay in haddii dadka ay khuseyso amarka ay qabaan wax cabasho ama dacwad ah, ay si degdeg ah ula xiriiraan saldhigga booliska si arrintooda loo dhageysto.
Warsan Radio ayaa ogaanaya in amarkan uu yahay tallaabo la xiriirta maamulka iyo dib-u-maareynta dhulka ay Dowladda Koonfur Galbeed ku sheegtay inay leedahay.


