Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha bulshada, nabadeynta, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada shacabka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa dhageystay aragtiyada iyo talooyinka ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha, isagoo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dowladnimada.
Dhankooda, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay aragtidooda ku saabsan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowladnimada iyo horumarka deegaannada maamulka.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-tashiga, isku-duubnida bulshada iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka, si loo gaaro nabad waarta, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.
















