Muqdisho, 15 Sebteembar 2026 — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim, ayaa maanta xarunta Guddiga ee Muqdisho ku qaabishay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Raisedon Zenenga, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqda aadanaha, doorka sii kordhaya ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya iyo taageerada ay Qaramada Midoobay sii siinayso hay’adda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo xoojin lahaa awoodda Guddiga, gaar ahaan dhinacyada dhisidda awoodda shaqaalaha, kormeerka xaaladda xuquuqda aadanaha iyo diyaarinta warbixinnada.
Dr. Maryan Qaasim ayaa xaqiijisay in Guddigu ka go’an tahay dhismaha hay’ad xuquuqda aadanaha oo madax-bannaan, wax-ku-ool ah, isla markaana si fudud ay shacabka u heli karaan.
Dhankiisa, Raisedon Zenenga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay lahaanshaha qaranka, isagoo sheegay in hay’adaha Soomaaliyeed ay hormuud ka noqdaan wax ka qabashada arrimaha xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso awoodda hay’adaha qaranka, iyadoo Qaramada Midoobay ay si tartiib ah u wareejinayso masuuliyado horay uga mid ahaa taageeradii caalamiga ahayd.




