Baydhabo, 15 Sebtembar 2026 — Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa ciidamada ku sugan jiidaha hore ee magaalada u sheegay in la qorsheynayo hawlgallo lagu xoojinayo amniga magaalada iyo deegaanada ku xeeran.
General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku sameeyay difaacyada ay ciidamada Xoogga Dalka ku leeyihiin afaafka hore ee Baydhabo, isagoo ciidamada uga mahadceliyay howsha ay u hayaan difaaca dalka iyo sugidda amniga.
Intii uu ku guda jiray booqashada, ayuu Taliyuhu ciidamada kula hadlay mid ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin, isagoo faray inay u diyaar garoobaan hawlgal amni oo dhawaan laga bilaabi doono deegaanada ku dhow magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay warbixinta, Taliska Militariga Soomaaliya ayaa qorsheynaya in hawlgallada lagu mideeyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga deegaanada ku hareeraysan Baydhabo.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in looga hortago weerarrada ka dhanka ah magaalada Baydhabo iyo khataraha amni ee ka iman kara deegaanada ku dhow magaalada.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Sabtidii gaaray Baydhabo, halkaas oo uu kulamo iyo kormeerro ka sameynayay goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin, iyadoo booqashadiisa lagu sheegay inay la xiriirto qorsheynta hawlgallo amni oo ka dhici kara nawaaxiga magaalada.
Dhinaca kale, xaaladda amni ee Baydhabo ayaa weli ah arrin xasaasi ah, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero amni siinayso maamulka uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Ciidamo iyo maleeshiyaad ka soo horjeeda maamulka Aadan Madoobe ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin deegaano ka baxsan magaalada Baydhabo, taas oo qeyb ka ah caqabadaha amni ee horyaalla maamulka cusub.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga rasmiga ah ee hawlgalka iyo deegaanada si gaar ah loo beegsanayo weli lama shaacin.





