Baydhowy-{WMN}-Hoos ka dhageyso Warka Subax ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilal Hilal Shueb
ATEERA
Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga koowaad ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Baydhowy-{WMN}-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.
Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.
“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”
Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Baydhowy-{WMN}-Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ay sheegeen in lagu soo qabtay falal dhac toos ah iyo wax dafid 48kii saac ee u dambeeyay.
Dhalinyaradaan oo gaaraya ilaa 5 ayaa Maamulka degmada Wadajir uu soo bandhigay Magacyadooda iyo Sawiradooda, waxaana lagu kala Magacaabaa.
1. Cabdulqaadir Cabdullaahi Maxamed (Shiikheey)
2. Maxamed Cali Cumar (Jinijini)
3. Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)
4. Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)
5. Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)
Sidoo kale maamulka degmada ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnahan magacyadooda hoos ku xusan, kuwaas oo ay sheegeen inay iyana kamid yihiin Dhalinyarada Burcadda ah.
1. Booroow
2. Timacade
3. Naa’Ifow
In kastoo bilihii bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada dhaca iyo dhibaatada ku haayay Shacabka Muqdisho ayaa hadana degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir habeenada qaar ay ka dhacaan falalka dhaca iyo dhibaatooyinka kale.

Baydhabo-{WMN}- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas, Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.
Wasiir Cabdulqaadir oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda soomaaliyeed ayaa soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ee walaalaha ah ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Al-Shababa, si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dalka kaga saarayaan Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka Al-Shabaab.
Liverpool, Real Madrid, PSG Mise Barcelona? Waatan Kooxda Ku Gacan Sarreysa Saxeexa Hibada Dortmund Ee Youssoufa Moukoko

Afarta kooxood ee kala ah Real Madrid, Barcelona, Liverpool iyo Paris Saint-Germain ayaa la aaminsan yahay inay haatan ku loolamayaan saxeexa dheemanka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko.
17 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan qaab wanaagsan kula bilawday kooxda koowaad ee Dortmund isaga oo sagaal kulan oo horyaalka ah saddex gool kusoo dhaliyay.
Tartamada oo dhan, 15 kulan ayuu metelay Dortmund marka laga yimaado inuu aad u yar yahay wuxuuna u muuqdaa hibada ugu weyn ee kasoo baxaysa Germany.
Haatan sida uu sheegayo wargeyska Sport ee Spain kasoo baxaa, kooxda macalin Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa ah mida hoggaaminaysa tartanka saxeexiisa.
Klopp ayay wararku sheegayaan inuu la dhacay hab ciyaareedka weeraryahankaas wuxuuna u doonayaa inuu Anfield u keeno mustaqbal.
Si kastaba, Sport ayaa intaas ku daraya inay Reds la tartamayaan Madrid, Barcelona iyo PSG si ay u dhammaystiraan saxeexa Youssoufa.
Moukoko ayaa kasoo baxay kuliyada da’yarta Dortmund balse Barcelona ayaa garanaysa sababtoo ah inuu kaga hortagay tartanka UEFA Youth League.

“Laba Maalmood Ma Seexan!!” – Xiddig Xalay Kulan Premier League Ah Ciyaaray Hurdo La’aan & Sababta

Baydhabo-{WMN}-Kulankii xalay kooxaha Tottenham iyo Newcastle United ku dhex maray magaalada London ayaa soo jeed maalmo ah ugu beegnaa mid kamida xiddigaha ka qayb qaadanayay oo ah khadka dhexe ee ree Brazil ee Bruno Guimaraes.
Xaaska 24 sano jirkaas ee Ana Lidia Martins ayaa dhakhtarka ugu jirtay dhalmada ilmahoodii koowaad oo ah wiil ay ula baxeen magaca Matteo.
In ka yar 48 saacadood kaddib, xiddigii hore ee Lyon ayaa kooxda tababare Eddie Howe kala qayb qaatay guul 2-1 ah oo ay Spurs kasoo gaadheen.
Guimaraes oo kulanka kaddib Sky Sports la hadlay ayaa sheegay inuusan mudo laba cisho ah seexan balse uu doonayay inuu kooxda kulanka kala qayb qaato maadaama oo uu farxad ka helo.
“Maalmo cajiib ah ayay ii ahaayeen aniga, inaan aabo noqdo markii ugu horreysay waxay ahayd wax cajiib ah, waxaan soo qaatay laba maalmood oo hurdo la’aan ah” ayuu yidhi xiddiga ree Brazil.
“Guriga ayaan joogi lahaa balse waan jecelahay joogista halkan aniga oo raggan la jooga. Waxay iga dhigaan mid faraxsan oo han weyn waxaanan filayaa inaanu guusha u qalanay maanta”.


Kooxda aan la aqoonsan oo isku magcawday Black Reward ayaa sheegtay in ay jabsatay qaar ka mid ah computer-ada laga maamulo xilli ay ku aragtay Nukliyeerka dalka Iran. arrimaha nukliyeerka ee meesha
Kooxda Black Reward ayaa sidoo kale sheegtay in ay daabacday waxa ay ugu yeertay xogta xayeysiiska ah iyo muuqaalka la siiyo injineerada iyo shaqaalaha hay’adda maamusha nadiifinta nukliyeerka ee dalka Iran, sidoo kale waxay heleen muuqaalada iyo fiisayaasha khubaro u kala dhalatay Iran iyo Ruushka oo ka hawlgala wershedda tamarta ee Bushehr
Ururkan ayaa dalbaday in Iran sii dayso dhamaan maxaabiista u xidhxidhan arrimaha waxbarashada ee xaqiiqada la dhigay intii ay mudaharaadadii dhowaan ka dhacday.
Ha’aydda tamarta atomiga ee dalka Iran ayaa sheegtay Axaddii in koox ajnebi ahi ay jabsatay ama u dhacday xogtii ku kaydsanaysay mid ka mid ah computer-keeda, oo ay gudan u galeen emailkooda.
Qoraal ay hay’addu soo saartay Axaddii ayay ku xogta xogta ku jirta iimaylada shirkaddu “inay ku bixiyeen waraaqo wata fariimo la xidhiidha dhinaca farsamada iyo xog is waydaarsiga maalinlaha ah”

Baydhabo-{WMN}- Koox aan la aqoonsan oo isku magcawday Black Reward ayaa sheegtay inay jabsatay qaar ka mida computer-ada laga maamulo hawlaha horumarinta Nukliyeerka ee dalka Iran, iyaga oo sheegtay inay sii daayeen sawirada xarumaha nukliyeerka ee Iran iyo ugu yaraan macluumaad gaadhaya illaa 50 gigabyte oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka ee dalkaas
Kooxda Black Reward ayaa sidoo kale sheegtay inay daabacday waxa ay ugu yeedhay macluumaadka shakhsiga ah iyo lacagaha la siiyo injineerada iyo shaqaalaha hay’adda maamusha hawlaha nukliyeerka ee dalka Iran, sidoo kale waxay sheegeen inay heleen baasaboorada iyo fiisayaasha khubaro u kala dhalatay Iran iyo Ruushka oo ka hawlgala wershedda tamarta ee Bushehr
Ururkan ayaa dalbaday inay Iran sii dayso dhammaan maxaabiista u xidhxidhan arrimaha siyaasadda ee xabsiga la dhigay intii ay socdeen mudaharaadadii dhowaan ka dhacay dalkaas
Ha’aydda tamarta atomikada ee dalka Iran ayaa iyadu sheegtay Axaddii in koox ajnebi ahi ay jabsatay ama u dhacday xogtii ku kaydsanayd mid ka mida computer-deeda, oo ay gudaha u galeen emailkooda.
Qoraal ay hay’addu soo saartay Axaddii ayay ku tilmaantay macluumaadka ku jira iimaylada shirkaddu “inay yihiin kuwo wata fariimo la xidhiidha dhinaca farsamada iyo xog is waydaarsiga maalinlaha ah”





