Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhagyeso Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilaal Hilaal Sheekh Shuceeb
ATEERA
Taliyha ciidanka dhulka oo jawaab ka bixiye hadalkii ka soo yeeray kooxda Al-Shabaab

Baydhabo-{WMN}-Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo xalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.
Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey warbahinta dowlada wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada kooxda ka soo jawahday fagaareyaasha dagaalka.
Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada heysata Al-Shabaab ay hormuud u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer ay soo dhibaateynayeen, isagoo sheegay in kacdoonka shacabka uu sii xoogeysanayo.
Cali Dheere maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda, kuwa la qaldayna mid walba hortiisa ha u cararo, weli jaanisbaa idiin furan,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.
Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.
Cali Dheere ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ isagoo qabaa’ilka kacdoonka wada ugu hanjabay inay la dagaalami doonaan.
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo sheegtay in Azerbaijan ay weerar gardarro ah ku qaadday dowlada Armenia

Baydhabo-{WMN}-Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku tagtay dalka Armenia, waxayna cambaaraysa weeraradii ugu dambeeyey ee ay Azerbaijan ku qaadday dalka Armenia, iyada oo ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo “Sharci-darro ah oo dhimasho keenay”
Weeraradan ugu dambeeyey ee ka dhacay xuduudda u dhexeysa labada dal ayay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.
Pelosi oo hadal ka jeedisay caasimadda dalka Armenia, ayaa sheegtay in Maraykanku uu taageersan yahay madaxbanaanida Armenia, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan.
Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa sheegtay in weeraradan ay bilaabeen Azerbaijan, ayna tahay in sidaas loo aqoonsado.
Pelosi ayaa sheegtay in weerarada noocan oo kale ah ee ay Azerbaijan ku qaadday dalka Armenia inay qayb ka yihiin weeraro ka dhacay meelo badan oo caalamka ah kuwaas oo u dhexeeya nidaamka dimoqraadiyadda iyo nidaamka awooddu ku urursan tahay cid gaar ah.
Madaxweynah dalka Chile oo diiday inuu Waraqadaha aqoonsiga ka gudoomo danjirnimo ee dalka Israel

Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha dalka Chile Gabriel Borek ayaa diiday inuu warqadaha aqoonsiga ee danjiraha cusub ee Israa’iil Gil Artziale
Gabriel ayaa sheegay in damiirkiisu uu diiday inuu qaabilo safiirka cusub ee Israel Gil Artzeli Kadib markii uu arkay xadgudubyadii ugu dambeeyey ee ay Israel kula kacday Falastiiniyiinta.
Madaxweyne Gabriel Borek ayaa ku eedeeyey Israaiil iney carruur ku dhishey duqeymihii iyo weeraradii ay ka fulisay Gaza dhowaan.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay dib u soo ceshan doonto safiirkeeda Chile Axadda soo socota si loogu qabto Xaflad niyad dhis ah oo lagaga sabir siinayo Foolxumadii uu kala Kulmay Dalka Chile.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay xaqiijiyey Warkan,
“Safiirkeena Artzeli wuxuu la kulmay arin foolxun sabatoo Qasriga madaxtooyada Chile ayuu ku sugnaa markii lagu yiri Madaxweynaha Dalka Chile kuma qaabilayo, Weliba Safiirkeenu isagoo aan waxba ogeyn, wasiirka arrimaha dibadda Chile Antonia ayaa ku soo wargaliyay in waraaqaha aqoonsiga aan laga gudoomayn ee uu ka tago madaxtooyada. Weji gabax ka weyn arintan Israel masoo marin Casrigan “ayuu yiri afhayeenka
Madaxweynaha Dalka Chile Gabriel Borek ayaa Israa’iil ku tilmaamay dal dilaa ah,mar uu kulan la yeeshay Jaaliyada Yuhuudda ee ku dhaqan Dalkiisa, Xiligii uu ku jirey ololihiisa doorashada.

Baydhabo-{WMN}-Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaal u dhaxeeya dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan ayaa gaaray ugu yaraan 24 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen
Wasaaradda caafimaadka ee Kyrgyzstan ayaa sheegtay subaxnimadii Sabtida in 24 meyd ah la gaarsiiyay isbitaallada ku yaal gobolka Batken ee xuduudka la leh Tajikistan
Iska horimaadyada ka dhacay xuduudka oo billowday horraantii toddobaadkan ayaa isu beddelay dagaal xooggan oo Jimcihii la isu adeegsaday taangiyo, madaafiic iyo gantaallo
Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa keenay dagaalka ka socda xuduudka labada dal ee jaarka ah ee ku yaalla Bartamaha Aasiya kana mid ahaa dalalkii ka go’ay Midowgii Soofiyeeti.
Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo kal duwan la qaatay qaar ka mid ah xildhibanda laga soo doorta jubland

Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Dowlada Jubaland.
Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo alshabaaba

Baydhabo-{WMN}-Madaxweyne ku-xigeenka dalka Arjantiin, Cristina Fernández de Kirchner, oo ka badbaaday isku day dil, ka dib markii nin hubeysani uu isku dayey inuu qaarajiyo, ayaa sheegtay inay xag Ilaahay ka nooshahay.
Hadalkan ugu horreeyay ee dadwaynaha loo soo gudbiyey tan iyo weerarkii 1-dii bishan Sebtembar ee ka dhacay magaalada Buenos Aires, ayaa waxay sidoo kale daaha laga qaaday in baadariga, Pope Francis, uu u yeeray maalintii xigtay, si uu ugu qalbi qaboojiyo.
Fernando Sabag Montiel, 35 jir ah, iyo saaxiibtiis Brenda Uliarte, 23 jir ah, ayaa lagu eedeeyay isku day dil. Labaduba way dafireen inay wax lug ah ku leeyihiin isku dayga dil.
Fernández de Kirchner, oo 69 jir ah, oo ka hadlaysa kulan ay la yeelatay wadaaddo iyo sooro maalintii Khamiistii, ayaa tiri: “Waxaan dareemayaa inaan Ilaah xagiis ka noolahay, dhabtii.
Waxay sidoo kale u mahadcelisay Baadari Francis, oo soo wacay saacado yar kadib weerarkii fashilmay. Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo Fernández de Kirchner ay taageerayaasheeda ku gacan qaadeysay bannaanka gurigeeda.
Dagaal u dhaxeeyey A-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo ka dhacay duleedka Buulo-Barte.

Baydhabo-{WMN}-Dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ka billowday Deegaanka Abooreey oo hoos tagta Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan.
Ila madax banaan ayaa soo warinaya in uu jiro dhawaac iyo Dhimasho tiradooda aan la xaqiijin karin oo ka dhashay Dagaalkaas u dhaxeeyay Ciidamada Milatiriga oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawisley iyo Al-shabaab.
Abooreey waxaa ku sugnaa Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo fariisin ka sameeystay maalintii shalay aheyd waxana ay qiyaastii 20km dhanka Bari ka xigtaa Magaalada Buulaburte,
waxaana mara wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Buulaburte, Maxaas iyo Degmada Ceel-buur ee Gobolka galgaduud, waxana ay aad ugu dhowdahay deegaanka Yasooman oo ay degganaayeen Alshabaab balse lasoo warinayo in gelinkii danbe ee shalay ay hareereeyeen Ciidamada Dowlada iyo shacabka hubeeysan ee ka bar bar dagaalamaya.


