Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhagyeso Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilaal Hilaal Sheekh Shuceeb
ATEERA
Faah faahino laga helayo Qarax Ismiidaamin Ah Oo qasaaro kala duwan ka dhashay oo Ka Dhacay Gobolka Sanaaag

Baydhabo-{WMN}-Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxa Khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacy degaan lagu magacaabo Milxo oo hoos yimaado Degmada Laasqoray ee Gbolka Sanaag, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi iyo dil ka dhacay degaankaasi.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay la qarxiyay Maqaayad ku taalla Degaankaasi, taasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxu uu ahaa Ismiidaamin.
kulanka maanta ee Baarlamaanka Dowlad goboledka Galmudug iyo qodobada looga hadlayo

Baydhabo-{WMN}-Waxaa maanta maanta kulan ku leh xarruuntooda magaalada Dhuusamareeb Baarlamaanka Galmudug, sida ay shaaciyeen Guddoonka Baarlamaanka.
Ajendaha kulanka ayaa ah sidii baarlamaanka loo horkeeni lahaa Qorshaha dib u eegista Dastuurka Galmudug, si ay uga doodaan.
Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Galmudug oo shalay Dhuusamarreeb ku kulmay ayaa sheegay qorshaha wax ka badalka Dastuurka ay muddo ka doodeen, balse ma caddeyn qoddobada ay diyaariyeen si wax ka badal loogu sameeyo.
Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in baarlamaanka Galmudug ay muddo kordhin hal sano u samayn doonaan Madaxweynaha Maamulka, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweynaha Galmudug waxaa la doortay 2 February sannadkii 2020.

Baydhabo-{WMN}-Diplomaasi sare oo Maraykan ah oo booqasho ku tagtay dalka Sri Lanka Axaddii ayaa ku boorrisay masuuliyiinta dalkaasi inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa oo ay soo bandhigaan isbedello dhinaca maamulka dawliga ah, taas oo hareer soconaysa hannaanka wax looga qabanayo dhaqaale burburka ku yimi dalkaas.
Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ayaa warbaahinta u sheegtay in tallaabooynka nooca ahi inay kor u qaadayaan, kalsoonida ay dalalka caalamka iyo shacabka dalkaasiba ay ku qabaan ujeedooyinka iyo hiigsiga nidaamka dawliga ah.
“Kaalmada oo keliya ma soo afjari karto dhibaatada dalkan,” ayay tidhi Samantha Power, iyada oo hadlaka sii raacisay “Waxaan ku adkeeyay madaxweynaha Sri Lanka, kulankii aan maanta la qaatay, in loo baahan yahay dib u habayn siyaasi ah iyo isla xisaabtan siyaasadeed, inay hareer socdaan dib u habaynta dhaqaale iyo isla xisaabtanka dhaqaale” ayay tidhi Samatha Power.
Samantha ayaa sheegtay in kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah ay kor u kici doonto, marka ay dawladdu qaaddo tallaabooyin wax looga qabanayo musuqmaasuqa iyo weliba dib u habayn dawladeed in la sameeyo.
Intii ay ku gudajirtay safarkeeda oo qaatay muddo laba maalmood ah, waxay Samantha Power ay ku dhawaaqday lacag gaadhaysa illaa $60 Milyan oo dollar oo gargaar ah oo la siinayo dalka Sri Lanka
Qarax Miino oo Qasaaro kala duwan ka dhashay oo ka dhacay degaanka ceeldheere ee gobolka Baay

Baydhabo-{WMN}- Qaraxa oo ahaa miinada Nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka ceeldheere oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.
Qaraxa miinada ayaa qabsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Sacab ah oo mareysay degaanka Ceeldheere, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay qaraxa ayaa waxaa la geeyay degmada Bardaale si kuwa geeriyooday loo Aaso kuwa dhaawacmayna loogu daaweeyo Isbitaalka degmadaas.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee ku sugan degmada Bardaale ayaa ku baxay oo tagay goobta uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo miino baaris ah, iyada oo laga cabsi qabay inay miinooyin kale ku aasan yihiin.
Laamaha Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda goboledka KGS ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxaas,
Dowladda Albania oo sheegtay in mar kle iraan ay ku soo qaaday weerar xaga Internet-ka ah

Baydhabo-{WMN}- Albania ayaa sheegtay in markale ay la kulantay weerar dhanka internetka ah oo uga yimid Dowlada Iiraan, maalmo ka dib markii Albaania uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Xukumadda Iraan
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Albania ayaa lagu eedeeyay Iiraan in ay jabsatay adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda iyo mareegaha Internetka.
“Nidaamyada kombuyuutarrada Booliiska qaranka waxaa Jimcihii ku dhacay weerar internet-ka ah kaas oo ay geysteen kuwii bishii Luulyo weeraray nidaamka adeegga dadweynaha iyo dawladda ee dalka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ka soo baxay.
Albania ayaa sidaan oo kale bishii Luuliyo ee sannadkan ula kulantay weerar dhinaca internet oo xooggan, kaasi oo saameyn u geystay Adeegyada Digitaalka ah ee Dowladda.
Wadahadalo hoose oo nabad looga radinayo xukumada Ethopia iyo Xogaga ka soo horjeeda Dowlada ee TPLF oo lagu wado inuu bilaabmo

Baydhabo-{WMN}- Waxaa wada-hadallo hoose ay u bilaawdeen dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Itoobiya ee dowladda Itoobiya & Xoogagga Tigreega, kuwaas oo dib u bilaawday kadib shan bilood oo xabbad joojin aheyd.
Wafdi ka socda dowladda Itoobiya iyo wakiilo ka socda Tigreega TPLF ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Jabuuti. Wadahadalladan waxaa soo qabanqaabiyay ergeyga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo tan iyo todobaadkii hore ku sugnaa Itoobiya.
Labada dhinac si fiican ayey u yaqaanaan bilowga hore, waxay si qarsoodi ah ugu kulmeen halkaas intii lagu jiray xabbad joojinta Bani’aadamnimada si ay ugu heshiiyaan shuruudaha geeddi-socodka nabadda.
Qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyadu ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa ay yihiin saxiixa xabad joojinta, soo afjarida go’doominta Tigrayga, faragelinta ciidanka Eritrea ee Tageerada siinaya Addis Ababa, iyo mustaqbalka Wolkait oo ah dhul lagu muransan yahay oo galbeed ka xiga Tigrayga .

Baydhabo-{WMN}- Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ayaa lagu qarxiyey Xaafada xaawo Taako gaar ahaan laanta nuurxawaad ee Magaalada Baladweyne.
Ciidamada qaraxa uu la kacay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa Miino maarista ah ee ka shaqeeynayey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.
ilaa sadax askari oo Ciidamada Miino maarista ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawacmeen qaraxa Miino ee ka dhacay xaafada xaawo taako laanta nuurxawaad.
dhawaca askartan miino baarista ah ayaa loo qaaday Isbitaalka Ciidamada Amisom ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Baladweyne. Wariyaha Uga Soo Warama Warbaahinta Radio Wasan Baladweyne Bashiir Abdulaahi Osman Oo
Mid kamid ah dadka ku Waxyeeloobay Qaraxa ayaa Radio Warsan usheegay in gaarigan oo marayey wadada laamiga ah mar qora qarxay, kaasi oo loo maleeynayo in gaariga horey ugu xirnaa qaraxa.
Ciidamada Booliska Magaalada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana ay halkaasi ka bilaabeeyn Baaritaano iyagoona xiray dhamaan wadada laamiga ah.
Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo Maamulka ayaa ilaa iyo hada wax faah faahin ah ka bixin qaraxa la kacay gaariga ay saarnaayeen Ciidamada miino baarista ah .

Baydhabo-{WMN}- Barnaamijka Arimaha Bulshada ayaa ah Barnaamij aan ku soo Qaadano arimaha Dhalinyarada, Beeraha, Haweenka, Fanka iyo Suugaanta, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhacdooyinka, maalin kasta 09:00 am ilaa 04:00 am ayaa ka dhageysaneysaan idaacada Warsan.
Axad kasta waxad dhageysataan Barnaamijka Caafimaadka hoos ka dhageyso Maxamuud Nuunow Maxamed ayaa soo jeedinaayo

Baydhabo-{WMN}- Wakiilka Sare oo ka tirsn Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo ay xaqiijiyeen
Borrell ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan xogta la helayo. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inuu la kulmo madax maamul goboleedyada dalka ku sugan muqdisho,
Wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada booqashada Borrell ee Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu madaxda dowladda federaalka kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin; xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaalmada ururka uu siiyo Soomaaliya iyo arrimaha abaaraha.
Waxaa suurta-gal in booqashadan ay qeyb ka tahay dadaal ay beesha caalamka sare ugu qaadeyso wacyiga abaarta Soomaaliya, oo hay’adaha QM ay sheegeen inay saameysay kala bar dadka Soomaaliyeed.
QM ayaa toddobaadkii hore ka digtay in bilaha October illaa December ay Soomaaliya ka dhici karto macluul, haddii aan si deg deg ah wax looga qawanin abaarta dab dheeratay ee somaalia
Hay’adaha QM ayaa sheegay in loo baahan yahay $1 bilyan oo dollar oo gargaarkaas la gaarsinyo dadka ay abaarta halageeysay

