Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhagyeso Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Maxamuud Ali Abdullahi (Gaabshaa)
ATEERA
Ra’iisul Wasaaraha Xukumada soomaliya Xamse Cabdi barre oo gaaray magaalada WadankaTunuusiya

Baydhabo-{WMN}- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa i diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale, waxaana Ra’iisul Wasaaraha socdaalka ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.
Xamse Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirka ayaa waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.
Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Tunis waxaa uu kulamo duceedyo la qaadan doonaa qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka horumarinta qaaradda Africa, isagoo kala hadli doona xoojinta arrimaha xiriirka.

Baydhabo-{WMN}-Afar qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa Jimcaha maanta ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay sarkaal caafimaad.
Dowladda Itoobiya waa ay beenisay sheegashada mucaaradka ee ah inay beegsatay shacabka ku sugan gobolka ay haystaan mucaaradka.
Wararka ku saabsan duqeynta Mekele ayaa yimid maalmo kadib markii uu dib u billowday dagaalka dhulka ee dowladda iyo mucaaradka kadib shan bilood oo hakad uu ku jiray, taasi oo soo afjartay xabad-joojintii, meeshana ka saartay rajadii wadahadallada nabadeed.
Kibrom Gebreselassie, oo ah agaasimaha caafimaad ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ee magaalada Mekele, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in “afar qof ay meyd ahaayeen markii isbitaalka la keenay.”
Laba ka mid ah dadka dhintay waa caruur,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in sagaal qof oo kale ay ku dhawacmeen duqeynta.
Ayada oo mucaaradka Tigray ay ciidamada cirka Itoobiya ku eedeeyeen inay beegsadeen xaafado shacab iyo iskuul, dowladda ayaa sheegtay “inay beegsanayso kaliya goobo militari.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeelanaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday Magalada garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa halkaasi ka bilaabaya kulamo looga hadlayo arrimo badan.
Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la filayaa in uu Maanta la yeesho madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo tan Puntland.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa mad madowga soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, taas oo ka dhalatay magacaabistii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Madaxweyne Deni uu fagaaro ka sheegay in aan laga talo gelin magacaabistiisii.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada dadaalo ku aadan sidii wadashaqeyn fiicn uu ula yeelan lahaa Madaxda dowlad Goboleedyada oo hadda uu kaga imaanayo culeyso xoogan.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee degaannada Puntland oo loo qorsheeyay muddo laba cisho ah ayaa ka badan karta maadaama xaaladdo dhowr ah ay iska jiraan, waxaana sidoo kale Madaxweynaha la filayaa in uu booqdo egaano katirsan Maamulka Jubbaland.

Baydhabo-{WMN}- Maamulka Taliban ayaa sheegay inaysan helin meydka hoggaamiyahii Al-Qaacida oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen Mareykanka bishii hore.
Afhayeen u hadlay kooxdan maamusha dalka Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ilaa hadda aan meelna lagu sheegin meydka Ayman Al-Zawahiri.
Taliban ayaa horey dafirtay in ay ogaayeen halka Zawahiri ka joogay waddankooda, markii Washington ay shaacisay dilkiisana waxay sheegeen inaysan ka warqabin dilk
Weli waxaa socda baaritaan, sida uu sheegay afhayeenka Taliban.
Washington ayaa bishii July sheegtay in ay dileen Al-Zawahiri kaddib markii lala beegsaday gantaal ay soo ridday diyaarad uusan duuliye saarnayn, xilli uu taagnaa meel balkoon ah oo ku taallay halka uu ku dhuumanayey.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa khamiistii ka dhawaajiyay xanuunkiisa gaarka ah ee ku aaddan xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo ku calaacalay in uusan la xiriiri karin, waxna u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul.
“Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu Tedros u sheegay suxufiyiinta ku sugan xarunta Ururka Caafimaadka Adduunka ee Geneva.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan caafimaadka, oo qudhiisu kasoo jeeda Tigray, ayaa dhalleeceeyay wuxuu ugu yeeray “arxandarrada aan la qiyaasi karin” ee lagu hayo lixda milyan ee dadka deggan gobolka waqooyi, oo si wax ku ool ah looga jaray adeegyadii aasaasiga ahaa muddo ku dhow laba sano.
Wuxuu ku tilmaamay Khamiista, in ” xannibaad cuna-qabateyn ah oo heysata nolosha dadka Tigreega aysan kaliya aheyn rasaas ama bam, laakiin insida hubkii loo isticmaalay bangiyada, shidaalka, cuntada, korontada iyo daryeelka caafimaadka.”
Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii ay dib u bilowdeen dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Tigreega, kaas oo meesha ka saaray xabbad-joojin muddo shan bilood ah socotay, isla markaana mugdi geliyey rajada nabadda.
Mudo biloooyin ka dib Dagaalka Ruushka iyo Ukrian dhankee u janjeerta guusha Ruushka

Baydhabo-{WMN}-Lix bil ayaa laga joogaa markii Ruushku uu si buuxda dagaal ugu qaaday Ukraine. Waxaana ay hadda dadka ku xeeldheer odorosidda xeeladaha dagaalka ay war u wanaagsan Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ka sheegayaan saansaanta dagaalka socda.
Ukraine waa halgankii ugu muhiimsanaa ee reer Yurub dhex mara taniyo Dagaalkii Labaad ee Dunida. Waxyaabaha laga bartay waa in burburka iyo dhimashada aysan lahayn saansaan dhammaad leh.
Ukraine waxay weli la halgamaysaa damaca iska xejinta awoodda Ruushka. Si kastaba, gaashaandhigooda ayaa hadda si aad iyo aad ah u bartilmaameedsanaya baraha saadka iyo xarumaha ciidanka oo ay ku jirto Crimea. Waxaana taas u sahlaysa kaalmada hubka ay ka helayaan Reer Galbeedka.
Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala eegtay raxan maraakiib ah oo marayay badda Black Sea ee Crimea maalintii Sabtida ayaa kamid ah tusaalayaasha ayidaya in Ruushku uu hadda u nugul yahay weerarrada Ukraine ay kusoo qaado.
Waxaa hadda meesha kasii baxaysa cabsida tuhunkii ahaa in dagaalkani uu wiiqo midnimada Reer Galbeedka. Teegeerada siyaasadeed ee Ukraine looga hayo gudaha Yurub iyo Maraykanka way xoogan tahay, wxaana loo arkayaa in halganka Ukraine aanu wax saameyn ah ku yeelaneynin kororka qiimaha tamarta iyo cunnooyinka.
Maraykanku si gaar ah wuxuu geeskiisa Ukraine ka kabayaa dhinaca hubka, isaga oo ku caawinaya nidaamka Gantaallada Madaafiicda sare, marka laga yimaado kaalmada lacageed oo uu ugu yabooho.
uxuu sidoo kale u balanqaaday adduun dhan $800 milyan oo lagu xoojiyo difaaca ciidamada badda, waxaana la socda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hoobiyayaal, iyo rasaas. Ujeedada ugu weyn ee awoodeynta ciidan ee uu Maraykanku ugu sameynayo Ukraine waa inay dib u qabsato dhulalkii gacantooda laga fara-maroojiyay.
“Militariga Ruushku waxay lumiyeen wax badan oo kamid ah wixii ay ku taagnaayeen, waxayna xooggageeda u daabushay dhinaca koofureed ee waddanka si ay ugu diyaargaroobaan weerarada Ukraine kaga imaanaya,” ayuu yiri Michael Kofman, oo ah agaasimaha Barnaamijka Daraasadda Ruushka ee CNA.
“Ilama ahan inay jirto dib-u-dhac kale oo ka jira gudaheeda oo ay wajahayso; waxay ila tahay in bog cusub uu u furmi doono kahor qaboobaha,” ayuu sii raaciyay.
Natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkaas weli ma cadda. Si kastaba, masiirka uu dagaalkani ku gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda.
Labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay si qaldan u meel-dhigeen boqollaal meydadka iyo dhaawacyada askartooda ah taniyo markii uu dagaalku bilowday bishii Febraayo 24-keeda.

Baydhabo-{WMN}- Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah in Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ku wargeliyay qabsoomida kulanka, iyaga oo ugu baaqay inay kulanka soo xaadiraan, waxaana ajandayaasha kulanka ay kala yihiin.
1. Dhageysiga Warbixin dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana ka warbixin doona Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.
2. U codeynta labada Habdhowre ku-Xigeen ee magacaaban.
3.Doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- Eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka.
4. Xiritaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka – BFS
Geba-gabada Kulanka ayaa waxaa soo xirmi doono kal-fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada ay geli doonaan fasax Natasha ah oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddoonka Golaha Shacabka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla ajandayaal & sharciyo dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay dood ka yeeshaan kadibna ay ansixiyaan.





