Gudoomiyaha Gudiga Hey,adda Barakacyaasha iyo Qaxootiga KG Abduqaadir Ali Mahamed oo Gudoomay Gargaar Ka Timid UNHCR, Gargaarkaan Kooban oo 500 Boqal Maacuun oo ay Isuga Jiraan Busto Baca iyo alaabta Maacunta Nocyadeeda kala duwan Waxaana Gergaarkaan Iska Kaashadey Hay,ada qaxootiga QM ee UNHCR iyo Hay,ado kale Looga Talagalay Xiliyada Adag Dadka Barakacyaasha Ku suganyihiin Taasi oo wax badan kabedeli karta Nolosha iyo Duruufaha Barakacyaasha Faraha Badan Baydhabo Degan.
ATEERA
Sawiro: Ciidamada AMISOM oo heleen gadiid cusub oo ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa awooda Ciidamada.
Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Lieutenant General Tigabu Yilma, ayaa sheegaya in awooda howlgalada ciidamadiisa iyo awoodooda ay ku fulinayaan howlgalada ka dhanka ah cadowga ay wali sarreyaan.
Lieutenant General Yilma ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Baydhabo isniintii, halkaas oo uu ka dalbaday gawaarida gaashaaman ee cusub iyo aaladaha milatariga, taas oo ku dari doonta koronto iyo kordhinta dhaqdhaqaaqa ciidamada AMISOM ee nadiifinta jidadka waaweyn ee gawaarida, sugida xarumaha shacabka iyo sharafjirka argagixisada Al-Shabaab ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. .
Waxaan halkaan u joogaa Baydhabo si aan ugu soo bandhigo qalabkeenna cusub. Waa inaan hubinaa in ciidamadeena si hufan loogu tababaray isticmaalka qalabkan militariga isla markaana ay awoodaan inay daryeelaan. Tababbarka saxda ah iyo adeegsiga qalabkan, Shaki iigama jiro in aan ku guuleysan doonno gudashada waajibaadka AMISOM, ”ayuu yiri.
Taliyaha Ciidamada Xoogga ayaa ku faraxsan sida ay Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay si hufan u meel mariyeen fikirka howlgalka AMISOM iyo sii hormarinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Sida ku xusan qorshaha kala guurka, ciidamada AMISOM waxay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Amniga Soomaaliya si tartiib tartiib ah ay ugu wareejinayaan mas’uuliyadaha amniga dalka ka hor bixitaanka AMISOM ee la filayo inay ka baxaan Soomaaliya.
“Sidaad ogtahay, waxaan hirgalinaynaa Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, kaasoo saldhig u ah fikirkayaga Hawlgallada. Tani waxay nooga baahan tahay inaan sugno xarumaha dadweynaha iyo marinnada ugu waaweyn ee sahayda. Si aan taas u sameysanno, waxaan u baahan nahay qalab casri ah oo awood noo siiya awood aan ugu qabanno hawlgallo weerarro wax ku ool ah oo ka dhan ah cadowga, ”ayuu yiri.
Markii ay ka soo degeen magaalada Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Xoogga waxaa soo dhoweeyay Taliyaha seddexda qaybood, Guuto Janaraal Alemu Ayene iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM. Hewas wuxuu durbadiiba u wareegey kormeerka baabuurta dhulka taal, gawaarida dagaalka iyo noocyada qalab ee ay adeegsadaan ciidamada.
Waxaa la socday Korneyl David Obonyo, Sarkaalka Sirdoonka Militariga ee AMISOM iyo Kornayl Ibrahim Jungudo, Injineer Taliyaha Ciidamada AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil sarsare oo ka tirsan AMISOM.
Dhageyso: Isbitaalka Bayhaaw Oo Soo Kordhiyey Adeegyada Caafimaad Ee Ay Uqabtaan Bulshada KG.
Isbitaalka bayhaaw ee Degmada Baydhabo waa isbitaalka labaad ee gobolka Baay, waxaa uu kamid yahay isbitaalada sida lacag la`aanta ah howlaha caafimaad ugu qabto shacabka ku nool gobolada koonfur galbeed, waxaana uu hoos tagaa wasaarada caafimaadka KG.
Isbitaalka bayhaaw ayaa waxaa uu qabilaa bukaanada ka yimadaan gobolada Baay, Bakool, Sh/ hoose iyo Gobolka Gedo kuwaasi oo isbitaalka u qabanaayo adeegyada kale duwan ee caafimaadka.
Sidoo kale isbitaalka bayhaaw adeegyada caafimaad ee ugu muhiimsan ee uu uqabto bulshada ayaa waxaa ka mid ah Qaliinada kala duwan, TB, ANC iyo Adeegyo kale oo dhamaan qalabkooda dhimeystiran.
Dr, Cali Cabdi Macalin waa dhaqtarka guud ee isbitaalka bayhaaw ee Degmada Baydhabo waxaa uu ka warbixinayaa qaabka isbitaalkaani ugu shaqeeyo bulshada.
Dhanka kale Dr, Cali Cabdi Macalin ayaa waxaa uu sheegey in si aad ah ugu shaqeeyo dadka barkacyaasha ah eek u nool kaamamka Degmada Baydhabo kuwaasi oo ay isbitaalka kaga faa`ideystaan howlahiisa caafimaad oo lacag la`aan ah.
Mu`asasada al raxmo oo ka tirsan madaarista Degmada Baydhabo oo si lacag la`aan ah ay wax kubarto caruunta aqoonta ah ee ku nolaan kaamamka Baydhabo ayaa si ay ugu qeyb qaadato afurinta dadka danta yar bishaan ramadaan ayaa waxaa manta ku dhawaad boqol qoys waxaa ay gaar siisey deeq rashiin ah.
Rashiin kaani Mu`asasada al raxmo gaar siisey qoysaskaani oo danta yar ayaa waxaa ay ka koomnayeen Bur, Bariis, Sokor, Caano, Timir iyo Oomo, waxaana lacagta rashiin kaani lagu soo iibiyey soo dhiibtey dad muxsiniin ah oo kasoo jedaan degaanadaan koonfur galbeed.
Qaar kamid ah dadkaani ka fa`ideystiin rashiinkaani oo ay u badnayeen dad waayaliin ah ayaa kahadley sida ay ugu baahi qabeen deeqdaani, waxaana ay uduceyeen dadkii kasoo dhiibteen rashiinkaani sidoo kalena waxaa ay codsadeen wax yaabaha kale ee nolasha aas aasiga u ah.
By: Siid Cali Muuse (Ateera)
Dhageyso: Masuulin Katirsan Dowlada Goboleedka Kg Oo Kahadleen Xaaladaha Xili Robeedkaani Ay Ku Nool Yihiin Barkacyaasha Degmada Baydhabo
Madaxa Arrimaha Xalka waara iyo Hormarinta Magaalooyinka Wasaarada Qorsheynta ee koonfur galbeed Abdullahi Ali Watiin, Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Yuusuf Barre, Gudoomiyaha Hay’ada Brakacyaasha iyo Qaxootiga Abdikadir Ali Watiin iyo Agaasimaha Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka koonfur galbeed Diini Cabdinuur Maxamed ayaa kormeel ku sameeyay Barakacyaasha ku nool Degmada Baydhabo.
Gudoomiyaha Hay’ada Brakacyaasha iyo Qaxootiga Abdikadir Ali Watiin iyo Agaasimaha Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka koonfur galbeed Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxey warbixin guud ah ka bixiyeen xaaladaha ay ku nool yihiin barkayaasha Degmada Baydhabo iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin xiligaan madaama roobabka ay hada bilow ay yihiin.
Abdullahi Ali Watiin Madaxa Arrimaha Xalka waara iyo Hormarinta Magaalooyinka Wasaarada Qorsheynta ee koonfur galbeed ayaa sheegey in ay jiraan qorshiyo wasaarada qorsheynta ay ugu degsan tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka barkacyaasha ah ee ku nool kaamamka Degmada Baydhabo.
Dhanka kale Abdullahi Ali Watiin ayaa sheegey in ay jiraan sida lasadaaliyey in ay soo socdaan roobab xoog leh si ay dadkaasi barkac kale aysan u sameynin dowlad goboleedka koonfur galbeed hay`adaha gar gaarka iyo ganacsatada Degmada Baydhabo loogu baahan yahay in ay ka qeyb qataan bad baadinta shacabkaasi.
BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)
Dhageyso: Ardeyda wax kabarata iskuulka shodug ee Degmada Xudur oo deeq gaarsiyeen qoysas danyer ah oo ku nool kaamamka kuyaala Degmadaasi.
Maamulka iyo ardeyda iskuulka hoose dhaxe iyo sare shodug ee Degmada Xudur ayaa lacag ay iska soo aruuriyeen ayaa waxey rashiin iyo lacag kaash ah ay ku wareejiyeen dad barkacyaal ah ay ku jiraan kaam kamid ah kaamamka ku yalaan Degmada Xudur kuwaasi oo tiradooda ay gareyaan ku dhawaad 10 qoys.
Maamulka iskuulka shodog ee Degmada Xudur ayaa tilmaamey iyagoo ay kawar qabaan dhibaatada ay ku nool yihiin qoysaskaani ayaa shegeen in ay gar gaar gaarsiyaan si ay ugu noladaan inta lagu gudi jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Qaar kamid ah dadkii danyarta ah ee lagaarsiyey rashiinka iyo lacagta kaashka ah ee ay iska soo aruuriyeen maamulka iyo ardeyda iskuulka hoose dhaxe iyo sare shodug ee Degmada Xudur ayaa kaga mahadceliyeen deeqdaan lasoo gaarsiyey.
BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)
Dhageyso: Muxuu Ahaa Codsigii Aabe Xasan Cali Uu Jeediyey Oo Sida Deg Dega ah Loogu Soo Jawaabey?
Xudur(WMN) Xasan Cali Dheere waxaa uu ku nool yahay Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool, waxaa uu keligiisa Degmada Xudur kaga degnaa hal qol yar oo ka sameysan geedo, bacooyin iyo dhar lisu geeyey qolkaasi oo aan kaga gaban karin qoraxda maalintii iyo dhaxanta habeenkii, iyadoo intaasi ay jiraan ayaa hadana sidii loo galey qubashada roobabka guga oo Degmada Xudur iyo Degaanada katirsan ay ku da`een ayaa Xasan Cali Dheere qolkiisa ugu galayeen.
Dhibane Xasan Cali ayaa maalmihii lasoo ayaa waxa lagu baahiyey warbaahinada qaar gaar ahaan barta Facebook`ga asigoo codsanaayey in wax laga qabto xaalada xiligaasi uu ku jirey oo ay aheyd in loo dhiso qol wanaagsan oo uu ku nolaado.
Waxaa arintaasi ka danqadey kana soo jawaabey codsigii Xasan Cali Dheere dhalinyarada ku nool Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool, waxeyna Xasan Cali Dheere ay u dhiseen qol yar oo ka sameysan teendhooyinka balastikada ah sidoo kalena waxaa lagu caawiyey wax uu ku seexdo, wuxuuna ka mahadcelinyey sida loogu jawaabey codsigiisa.

Dhageyso: Dhalinyarada Shaqa La,aanta Ah Ee kujirta Xiryaha Baracayaasha Magaalada Baydhabo Oo Dalbaneya In Loo Sameeyo Shaqa Abuur.
Xuseen Aadan waa 19 sano jir iyo Bishaar Cabdiqaadir oo 20 sano jir ah waxay hada barkac ku yihiin kaamamka ku yalaan Magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa kuyalaan dugaandug, waxey sanado ka hor ay kasoo barakaceen degaanada katisan gobolka bay ee koonfur galbeed.
Waxaa ay ku nool yihiin nolal adag iyagoo horey usoo helin fursado waxbarasho madaama ay kasoo jedaan dad danyar ah nolashooda inta badan waxey kusoo qateen miiga iyo in ay reerkooda ka cawiyaan beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
Xuseen Aadan iyo Bishaar Cabdiqaadir oo lahadleen warbaahinta KG ayaa waxey shegeen in ay u bahan yihiin in loo abuuro shaqo ay ku mareyn karaan nolashooda.
Dhageyso Codka Dhalinyarada.
Aadan Mayow Cali waxaa uu horjooge u yahay urur layiraado CAAWIYE COMMUNITY oo u taagan in ay ka qeyb qataan sidii ay wax ugu qaban lahayeen dadka dhibaateysan, waxaa uu kahadleyaa kaalinta ay kaga aadan yihiin sidii wax loogu qaban lahaa dhalinyarada ubaahan wax barashada iyo in loo sameeyo shaqo abuurka.
Dhageyso Codka Aadan Mayow.
Si hadalkooda meel dheer loo gaarsiyo una ogadaan dadka u dhaqdhaqaqaan arimaha bini`aadinimada ayaa shaqaalaha Radioarlaadi waxey boqosho ku sameyeen kaamamka ay ku nool yihiin dhalinyarada manta u baahan in ay helaan fursado ay ku heli karaan waxbarashao iyo shaqo abuurka.
Ururada argagixisada caalamiga ah ee ISIS iyo Alqaacida ayaa ka codsaday xubnahooda iyo kuwa ku xiran ee daafaha dunida in ay ka faa’iidaystaan dhibaatada caafimaad ee dunida ka jirta si ay weeraro uga geystaan dalalka ay ku sugan yihiin.
Al Qaacida iyo ISIS waxay u sheegeen taageerayaashooda inay haystaan fursado ku qabsadaan dhulal kuna weeraraan waxay ugu yeereen cadawgooda maadaama ay ku mashquulsan yihiin masiibada la tacaalida Coronavirus.
Warbixin lagu daabacay bog ka faallooda xogaha ururada argigixxisada ayaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay kamid tahay ururada katirsan Alqaacida ee loogu baaqay inay kordhiso weerarada ay ka wado gudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Hase yeeshee, Waxay warbixintu sheegaysaa in weerarada dhulka iyo duqeynta dhanka cirka ah ee ciidamada huwanta ah ku hayaan Al-shabaab ay si tartiib tartiib ah u cuuryaamisay awoodda kooxda u leedahay inay qaado weeraro ballaaran.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in Al-shabaab taageero ka dalbatay Alqaacida si ay horumariso ajandeheeda inta lagu jiro masiibada Coronavirus. Waxa ay hogaamiyayaasha Alqaacida la wadaagtay ficillo muuqaal ah oo ku saabsan howlgallada ay ka wado gudaha Soomaaliya.
Muhiimad ahaan, Al Qaacida waxay u muuqataa inay ku hawlan tahay olole si ay u sii kordhiso awooda ay ku leedahay gudaha Afrika iyo Bariga Dhexe, gaar ahaan Afghanistan iyo Soomaaliya.
Xanuunka Dhimirka Waagii Hore Waxaa la Aaminsanaa in uu yahay Cudur ku yimaado qaab dhimir ah oo kaliya, oo uusan aheyn cudur ka muuqdo jirka maxaa yeelay xanuunka dhimirka wuxuu haleeyaa shaqada fakarka, filashada, shucuurta iyo xasuusta. Balse waayihii danbe waxaa soo if baxay cilmibaaris sheegeysa in dhaawaca gaaro maskaxda uu siyaadiyo xanuunka dhimirka Agaasimaha Xarunta Daryeelka Dhimirka Bulshada Aadan Abdarahman Jandalman ayaa inoo Sharaxaya Noocyada ugu badan Bukaanada dhimirku ku arkaan.
Agaasime Jandalman Wuxuu Inoo Sheegaya inay Dabar go,day Daawadii Bukaanada siin jireen gaar ahaan kuwooda Zaaid u Xanuunsan Lasiiyo.
Maadaama Waddanka Soo Maray Dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay qax, baahi, agoonnimo, dhac, dagaal, kufsi iyo takoor lagu sameeyo dadka qaar. yaab ma leh in la arko muddo 20 sano ah, dad tira badan oo la tacaalayo xanuunnada kala duwan ee dhimirka Waxaa Walwalkaas Qaba Agaasimaha Xarunta Daryeelka Dhimirka Bulshada Aadan Abdarahmaan Jandalmaan inaysan Helin Daryeelkii ay U baahnaayeen.
Tabiye: Cabdiqaadir Maxamed Nuur (War Cade)















