Isbitaalka bayhaaw ee Degmada Baydhabo waa isbitaalka labaad ee gobolka Baay, waxaa uu kamid yahay isbitaalada sida lacag la`aanta ah howlaha caafimaad ugu qabto shacabka ku nool gobolada koonfur galbeed, waxaana uu hoos tagaa wasaarada caafimaadka KG.
Isbitaalka bayhaaw ayaa waxaa uu qabilaa bukaanada ka yimadaan gobolada Baay, Bakool, Sh/ hoose iyo Gobolka Gedo kuwaasi oo isbitaalka u qabanaayo adeegyada kale duwan ee caafimaadka.
Sidoo kale isbitaalka bayhaaw adeegyada caafimaad ee ugu muhiimsan ee uu uqabto bulshada ayaa waxaa ka mid ah Qaliinada kala duwan, TB, ANC iyo Adeegyo kale oo dhamaan qalabkooda dhimeystiran.
Dr, Cali Cabdi Macalin waa dhaqtarka guud ee isbitaalka bayhaaw ee Degmada Baydhabo waxaa uu ka warbixinayaa qaabka isbitaalkaani ugu shaqeeyo bulshada.
Dhanka kale Dr, Cali Cabdi Macalin ayaa waxaa uu sheegey in si aad ah ugu shaqeeyo dadka barkacyaasha ah eek u nool kaamamka Degmada Baydhabo kuwaasi oo ay isbitaalka kaga faa`ideystaan howlahiisa caafimaad oo lacag la`aan ah.