Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir guddoomiyay shirka sanadlaha ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Birmadka Geeska Afrika oo sanadkii hore la aas aasay.
Shirkan oo ka dhacay dalka Burundi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada difaaca dalalka bariga Afrika, Taliyeyaasha ciidanka iyo saraakiil.
Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Diini oo khudbad ka jeediyay shirkan ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada dalalka bariga afrika iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa.
Jen. Diini ayaa sheegay in dhibaatooyin amni ay ka jiraan dalalka qaar, waxaa uu xusay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan inay amniga dalalka gobolka ay qal qal geliyaan.
Ciidamada birmadka ee geeska Afrika ayaa xaruntooda tahay dalka Jabuuti, waxaana ciidamadan loogu tala galay inay u gurmadaan dalalka gobolka ee xaaladaha musiibooyinka iyo dhibaatooyinka amni xumo.
ATEERA
Liiska Musharaxiinta xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta lagu dhawaaqayo
Musharaxiinta xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyadoo ay ka dhex muuqan doonaan xubno siyaasiyiin ah oo ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Liiskan ayaa noqon doona mid kama dambeys ah oo xubnaha u sharaxan Aqalka sare ay ka soo muuqan doonaan, waxaana maalmihii la soo dhaafay diyaarintiisa ay ka socotay magaalada Jowhar iyo Muqdisho.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo tan iyo markii loo doortayxilka Madaxweynaha, waxaa uu isaga daba-laabanayay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kulamo kula lahaa Madaxda dowladda, iyadoo arrinta ugu weyn ee kulamadaas looga hadlayay ay aheyd Aqalka sare.
Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa marka ay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaan liiska Musharaxiinta aqalka sare waxaa lagu wadaa in maalinta berri ay xubnaha musharaxiinta Aqalka sare ka h0r-jeediyaan Xildhibaanada khudbadahooda, iyadoo maalinta Isniinta ay dhaceyso doorashada.
Warar qaar ayaa sheegaya in Liiska Musharaxiinta Aqalka sare uu yahay mid Madaxtooyada laga soo qoray, si xubnaha ku soo baxaya ay u noqdaan kuwo taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xubnaha Aqalka sare ee matalaya maamulka Hirshabeelle ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana min afar xubnood u kala qaadanaya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa soo gudbiyay Liiska Xildhibaanada Senate-ka ee ku matalaya Aqalka sare, kaddib doorashooyin ka dhacay xarumaha maamuladaas, waxaa harsan xubnaha Somaliland ka imaanaya ee Aqalka sare, kaasoo aan wali la shaacin habka ay u dhaceyso doorashada, iyadoo siyaasiyiinta iyo salaadiinta ka soo jeeda Somaliland ay dhowaan qaadaceen ka qeyb galka doorashada 2016, kaddib markii ay cabasho soo gudbiyeen.
Saraakiisha Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dagaal ka dhacay Deegaan Duleedka ka ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo in ay ku dileen 10 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.
Dagaalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalka in uu socday muddo saacado ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sidoo kale Dadka Deegaanka ayaa sheegay Dagaalka in ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya, kuwaas oo la arkayay in ay duqeynayeen fariisimo Shabaabka ay halkaasi ku lahaayeen.
Al-shabaab ayaa inta badan Gobolada Dalka waxa ay kula dagaalamaan Ciidanka Dolwdda Federaalka iyo kuwa AMISOMee qeybta ka ah Howlgalka Soomaaliya.
The deputy of Somali military court prosecutor Col Abdullahi Hussein Mayonge has died of wounds suffered in an Al shabaab attack in Mogadishu in September, 2016 on Friday.
Confirming the death, a military colleague in the army told IdaleNews.com that Mayonge has passed away at Medina hospital on Friday from his wounds from a drive-shooting in Mogadishu by Al shabaab.
The deputy prosecutor of Somali armed forces Col Abdullahi Hussein Mayonge has been critically injured in September attack and admitted to Medina hospital, where was pronounced dead on Friday evening.
Al shabaab has targeted several Somali army officials in Mogadishu and elsewhere in country since the militant group has been ejected from the capital in 2011 by Somali and African Union force, AMISOM.
Qaramada Midoobey ayaa ka derisay xaalada ay kunool yihiin dadkii kunoolaa degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada dhawaan ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya , islamarkaana gacanta u galay Al-Shabaab.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee arimaha biniaadanimada OCHA ayaa sheegay in dadkaasi ay ku dhibaateysan yihiin meelo ka baxsan magaalooyinkii ay ka barakaceen ,islamarkaana aysan haysanin Cafimaad , waxbarasho, hoy iyo sidoo kale Biyo ku filan.
Laga soo bilaabo July 2016, ciidanka dowladda Itoobiya waxa ay ka baxeen 8 deegaan oo ku yaalla gobolada Hiiraan , Bakool iyo sidoo kale gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey deeganadaasi waxaa ka mid ah , Rab Dhuure, Buur Dhuxule, Garas Weyne , Tayeeglow Budbud ,Galcad, Moqokori iyo Ceel Cali.
OCHA ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku barakaceen deegaanada ku dhow meelaha ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya , islamarkaana ay ku dhibaateysan yihiin halkaasi.
Hay’addii Gar gaarka ee ka howlgalaayay deeganadaasi ayaa iskaga cararay ka dib markii ciidanka dowladda Itoobiya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka baxeen deegaanadaasi.
Waxa ay sheegtay Qaramada Midoobey in ay muhiim tahay in dadkaasi la gaarsiiyo gar gaar deg deg ah si loo badbaadiyo naftooda.
Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa dhawaan bilaabay in ay ka baxaan deegaanadii ay horay ugala wareegeen Xarakada Al-Shabaab, waxaana durba deegaanadaasi ay gacanta u galeen Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tilaabo lagu dhameystiraayo 30 Km derbiga ay ka dhisayso Soomaaliya , sida ay sheegeen madax ka tirsan dowladda Kenya Jimcihii shalay.
Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia sheegay in derbiga xadka ammaanka la dhamaystiri doono January 2017 si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Dhismaha derbiga ammaanka xadka Soomaaliya ayaa dib u bilaaban doona sida ugu dhaqsiyaha badan, ka dib markii ay kordheen weerarada joogtada ah ka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Mandheera waxaana ku dhameystiri doono 75 maalmood laga bilaabo Maanta,” ayuu yiri Shisia.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay ka hortagi doonaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay kasoo gudbaan xadka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa walaac xoogan ka qabta weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab ee ka dhacaaya gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Mandheera ay ku dileen 12 qof oo u badnaa macalimiin.
Dhageyso+Warbixin+Daawo Sawiro:G/gobolka Baay Ayaa Shaaciyey inuu Yahay Musharax Xildhibaan Qaran

Baydhabo(WRB)Inkastoo Ay Isu Soo Tareyeen Musharxiinta Utaagan Xilka Kursiga Xildhibaanka Qaran Ee Doorooshooyinka Dadban Ee Sanadkaan 2016 waxaa manta isu soo sharaxey gudoomiyaha gobolka bay rashiid cabdulaahi maxamed isagoo mushrxinamadiiisa ku soo bandhigey xaflad manta kadhacdey wagara gest house.
Xafladan waxaa kasoo qeyb galey Malaaqyo”Sama Doono”Urarada Dhalanyarada”Haweenka”Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Xubno Katirsan Maamulka Gobloka Iyo Kan Degmada.
Sheeq Biyaadir oo kamid ahaa dadkii kahadley xaflada ayaa amaaney waxqabadkii sanadki iyo barka ahaa ee uu jirey maamulka uu hormuudka ka ahaa rashiid cabdulaahi maxamed kaaso lagu soo bandhigey meesha xaflada ay ka dhaceysey filim dukumeentiri ah oo uu gudoomiyaha kaga shekeyey wixii uu soo qabtey sheeq biyaadir hadaladiisa waxaa ka mid ahaa.
Gudoomiyaha degmada baydhabo ahan duqa magalada Cabdulaahi cali maxamed watiin oo kamid ahaa masuulinta lagu casuumey xaflada ayaa qodbad xamaasad leh uu kajeediyey xaflada waxaa uu laga faaloodey qibradiisa iyo aqoonta uu uleeyahay xilgudashada iyo hogaaminta umadeed ee mudane rashiid cabdulaahi maxamed taasoo gudoomiye cabdulaahi cali maxamed watiin kaga codsadey bulshadii halkaasi kasoo qeyb gashey iney ku doortaan musharax rashiid cabdulaahi maxamed.
Sidoo kale haduu uu guleysto inuu tabi doono garab iyo gacal walaal ahaa oo midigtiisa bineeyey.
Geba gabadii waxaa lagaarey waqtigii gudoomiye rashiid uu shaacin lahaa musharxinamadiisa waxaana looga kala dhaxbaxey musharax rashiid cabdulaahi maxamed bulshadiisa iyo mogroofanka wuxuuna yiri”
W/Q/Wariye:Muqtaar Sheeq Aadan(Dalmar)













DHASGEYSO+WAREYSI:AFAYEENKA JAALIYADA DIGIL IYO MIRIFLEH C/QAADIR AXMED JIIFSAGAAREY OO KAHADLAYA SHAQSIYADII IYO TARIIQDII UU LAHAA MARXUUN ISAAKH MALAAQ IBRAAHIM

Isaakh Malaaq Ibraahim
Baydhabo(WRB)Alle Ha”unaxriiste Waxaa Dhawaantaan Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka bay Ku Geeriyoodey Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Oo Ahaa Malaaq Si Weyn Loogu Yaqiiney Koonfurta Somaliya Waxaa Uu Marxuunku Ku Dhashtey Gobolka Baay Sanadii (1937) Isagoo Waxbarashadiisu Dugsiga Qu”aanka Iyo Maadiga ku Qaatey Gobolka Baay Waxaa Uu Ahaa Todobaantan Iyo Sagaal Jir Magaca Iyo Maamuus Weyn Ku Lahaa Bulshada Weynta Ku Nool Koonfurta Somaliya.
Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Waxaa Uu Ahaa Haliyey Ka Soo Qeyb qaatey Halgenkii Dhaqdhaqaaqa Xurma Doonkii Somaliyeed.
Markii Somaliya Xurnamada Ay Qaadatey (1960)Oo Ay Dalka Kahirgaleen Xanaankii Xusbiyada Waxaa Uu Ahaa aas Asihii Xisbigii la”oran jirey (Hal Iyo Nirig)kaaso Xaruntiisu Ayeed Magalada Baydhabo.
Marxuun Isaakh Malaaq Xisbiga Waxaa Uu Ka Ahaa Gudoomiye Isagoo Tartan Adag Lagaley Xisbigii Leegada oo Shacbiyad Badan Ku Lahaa Islamarkaana Kuraasta Ugu Badan Baarlamaanka Ku Guuleysan Jirey.
(1968)Xisbigii (Hal Iyo Nirig)ee Uu aas aasey Marxuun Isaakh Malaaq Wuxuu Laloolamey Xisbigii Leegada isagoo Qalqal Galiyey Xisbigii Leegada Oo Mudo Badan Dhisnaa Balse Nasiibdaro Xisbigii Uu Hogaaminaayey Isaakh Malaaq Ee(Hal Iyo Niri) Uma Suurta Galin In Ay Kahelaan Kuraastii Baarlamaanka Ku Shubasho iyo Codad Isdaba Marin Ay Leega Sameysay.
Sidoo Kale Markii Ay Burburtey Dowladii Dhaxe Ee Soomaaliya Wuxuu Marxuunka Door Weyn Kasoo Qaatey Nabadeentii Soomaalida Dirirta Coladeed Kadhax Aloolsantey.
Waligiisi Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Kama Maqnaanin Madal Iyo Meel Ay Bulsha Weynta Ee Soomaaliyeed Lagu Maslaxeynaayo Wuxuu Hibo Gaar Ah U Lahaa Runkasheega Garta Ee Walaalo Siman Lagu Kala Geynaayo Ama Dirir
Coladeed Gar Ee Xeed oo Lagooya Dib Isugu Gacanqaada Wuxuu Ahaa Mid Lagu Xasuusto Madashii Weyneed Ee Ladhigey Magalada Baydhabo Ee Lamagac Baxdey’Meyniin Den eh” Ee Liskugu Keeneyey Garabyadii ururkii La Oranjirey SDM Allaha Ha”unaxriistey Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Wuxuu Ifka Kaga Tegey 70 Carruur Ah Oo iskugu Jiraa Wuxuu Dhaley Iyo Waxey Siidhaleen.
Tariiqda Isaakh Malaaq Ibraahim Waxaa In Badan Waxkaqorey C/Qaadir Axmed Jiif sagaarey Oo Ah Taariqd Uruuriyey Keydiya Taariqda Dadka Haldoorka Ah Ee Muuqda.
W/Q/Wariye:Muqtaar Sheekh Aadan(Dalmar)
Muqdisho(WRB)- Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay sida guusha leh ee lagusoo gunaanaday geedi-socodkii maamul u samaynta Maamulka HirShabelle ee dhowaan la unkay, waxayna u hambalyeeyeen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Kuxigeen Cali Cabdullaahi Xuseen oo iyagu qaaday mas’uuliyaddaas culus.
Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay qireen dadaallada ay Dowladda Federaalka ah ku horumarinayso geedi-socodka maamul samaynta, waxaa kale oo ay qireen dowrka muhiimka ah ee hawl-fududaynta ah ee IGAD ka cayaartay geedi-socodkan.
Saaxiibada caalamku waxay maamulka HirShabelle ku dhiirri-geliyeen inay la hadlaan kooxihii aan ka-qaybqaadanin geedi-socodka maamul samaynta, lana xaqiijiyo ilaalinta masaalixda dhamaan beelaha [deegaanka]. Tani waa in lagu xisaabtamaa marka laga qaybqaadanayo geedi-socodka doorashada oo si loo wada dhanyahay loo helo metelaadda labada aqal. Dib u heshiisiin laga hirgeliyo dhamaan deegaanada HirShabelle ayaa muhiim u ah marxaladda hadda lagu jiro.
Saaxiibada caalamku waxay ku boorriyeen madaxda cusub ee HirShabelle inay hadda diiradda saaraan geedi-socodka doorasho ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Maamulka cusub wuxuu haystaa fursad uu ku muujiyo hogaamin isagoo u hogaansamaya xeerarka iyo habraacyada ay isla meel dhigeen madaxda Madasha Hogaanka Qaran. Saaxiibada caalamku waxay [sidoo kale] ugu baaqeen madaxda Maamulka inay xaqiijiyaan in ugu yaraan 30% kuraasta loo qoondeeyay HirShabelle ee labada aqal, Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka loo qoondeeyo [oo loo daayo] haweenka.
Saaxiibada caalamu waxay maamulka cusub ugu baaqeen inuu dadaal kasta ku bixiyo sidi geedi-socodka ay ugasoo bixi lahayd magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub
“Soo dhawoow HirShabelle” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto maamulka cusub oo isagu ku hawlan ajenda u samaynta muwaadiniintiisa iyo horumarinta hay’adaha [dowladeed] si uu wax uga qabto baahida muwaadiniintiisa”.










