Halka Hoose Kadhageyso Warka Habeen Ee Idaacada Warsanradio 29-09-2016
ATEERA
Dhageyso:Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle Oo Maanta Soo Gaarey Magalada Baydhabo
Jibriil ibraahin cabdulle oo ah musharax u taagan xilka madaxweyninimo dalka ayaa waxaa manta uu soo gaarey xarunta maamulka koonfur galbeed ee baydhabo,waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyay wasiiro ay ka mid ahaayeen amniga,warfaahinta,hubka dhisgista iyo tabarada,ku xigeenka qorsheynta,xildhibaano ka tirsan koonfur galbeed,kuwo ka socdey xildhibaanada dowlada dhaxe,odoyaal,ururada haweenka iyo dhamaan bulsho ka kala soctey xaafadaha magaalada.
Musharaxa u taagan kursiga madaxweynaha ee dowlada soo socota jibriil ibraahin cabdulle ayaa markii uu kasoo dagey garoonka diyaaradaha waxaa uu mid mid ugu gacan qadey madaxdii iyo bulshadii soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatey.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxaa saxaafada la Hadley wasiirka warfaafinta dowlada koonfur galbeed xasan cabdi maxamed.
Jibriil ibraahin cabdulle ayaa sidoo kale la Hadley bulshadii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo,waxaana uu ka Hadley u jeedada socodaalkiisa.
Waa musharaxii ugu horeeyey oo u taagan xilka madaxweynimo ee dalka oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyo xarunta Koonfur galbeed ee baydhabo,waxana maalmaha uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doona bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dagaalka loogu jiro qabsashada bariga magaalada Xalab waxaa uu magaaladaas ka dhigay mid ka sii xun kawaan xoolaha lagu qalo, ayuu sheegay xoghayaha guud ee QM, ban Ki_Moon.
Mid ka mid ah isbitaalladii ku sii haray magaalada ayaa la garaacay, sidaas awgeed dhakhaatiir yar iyo daawooyin aad u yar ayaa ku haray magaalada, sida ay sheegtay UNICEF, oo ku warramaysa in caruur dhaawacoodu halis ahaa looga tegayo inay dhintaan.
Ugu yaraan 96 carruur ah ayaa la dilay laga soo bilaabo maalintii Jimcihii oo keliya, in ka badan 200-na waa la dhaawacay.
Naxdintooda iyo dhibaatadoodu waa mid aad u weyn, ayay sheegtay UNICEF, oo carruurtaas ku tilmaantay inay ku dhex xanniban yihiin naar nool.
Carruurta reer Suuriya dhibaato ba’an ayay ku soo jireen shantii sano ee dagaalku socday, laakiin saxariirtooda bariga magaalada Xalab waa tii ugu xumayd, ayay tiri UNICEF.
A new, multi-purpose building for use by the Interim South West Administration’s (ISWA) ministry of planning and international cooperation has been inaugurated in Baidoa.
The facility, which comprises a conference center and administrative offices, will also be used as a major hub for activities related to the 2016 electoral process. Voting seats in the lower and upper houses of the country’s next federal parliament will take place in Baidoa, in addition to Mogadishu, Kismaayo, Cadaado and Garowe.
The facility was built at a cost of $203,819 with funding from the United Nations Development Program (UNDP) and international donors. Sweden, Italy, the United Kingdom, Norway and Denmark also provided funding support.
“The multi-purpose conference hall will be open to the public for various activities including meetings and trainings, and for the upcoming electoral process,” said Nasir Abdi Arush, ISWA Minister of Planning and International Cooperation.
UNDP Deputy Country Director and Head of Programs for Somalia David Akopyan said the facility would enhance efficiency in service delivery.
“The intention is also to help other government entities. We have programs with the Ministry of Justice and the Ministry of Interior to improve local governance, justice, security and above all bring economic development to the people of South West,” Mr. Akopyan stated.
The Swedish Ambassador to Somalia Mikael Lindvall presided over the inauguration of the building with the ISWA Minister of Finance, Hassan Ibrahim (Lugbuur)
“It is also a very good chance for me to be able to hear about the progress in South West in trying to build its institutions and the upcoming electoral process. We are following very closely, as the international community, the progress in trying to prepare for the elections,” Ambassador Lindvall said.
Construction of the facility commenced in early March 2016 and was completed on schedule ahead of voting in the electoral process, which is now expected to commence on 23 October.
Others present at the event included Vikram Parekh, the head of the UNSOM office in Baidoa, the Speaker of Parliament of South West State Abdulkadir Sharif Shekuna, and the Governor of Bay Region Rashid Abdullahi.
DHAGEYSO: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay Muranka Badda
Muqdisho(WRB)Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muranka Badda.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu eedeynayay Dowladdiisa in ay Mas’uul ka aheyd Muranka hada u dhaxeeya Soomaalliya iyo Kenya, taas oo la xiriirta in xubno ka tirsan Dowladdiisa ay saxiixeen Heshiis is afgarad ahaa oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Wuxuu sheegay in Heshiiskaasi wanaag iyo xumaan waxa uu keeno in Mas’uuliyadiisa ay qaadayaan Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi jirey iyo Wasiirkii saxiixay, isaguna aan waxba ka ogeyn is afgaradka dhexmaray Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee arrintaasi ku aadan.
Wxuu sheegay Sheekh Shariif in arrintan lagu soo aadiyay waqti xasaasi ah, sidoo kalena u muuqato mid la siyaasadeyanayo.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn wuxuu ka hadlay shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu Dowladda Federaalka ka codsaday Maamul usameynta ka hor in ay sameyso shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo Waxgaradka Labada dhinac.
Muqdisho(WRB)Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Caabud-waaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdiso ayaa ka hadlay Dilalkii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Caabud-waaq.
Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in looga baahan yahay in ay wax ka qabato xaalada ka jirta Magaalada Caabud-waaq oo maalmahan xaalad amni daro ay ka jirtay.
Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedeeyay in aysan dan iyo Hiilo ka laheyn Magaalada Caabud-waaq.
Ugu dambeyntii waxa uu baaq u diray Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Amniga, isagoo ugu baaqay in ay soo fara geliyaan xaalada ka taagan Magaalada Caabud-waaq, oo ay ciidamo Dowladda ka tirsan ay u sooo diraan si ay u sugaan Amniga Degmada.
Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee Habeen ka hor ka dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi ay fuliyeen Diyaarado ay leeyihiin Mareykanka.
Captan Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa wuxuu sheegay sababta ay weerarkaasi u fuliyeen in ay tahay kadib markii Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, taasina ay keentay in Mareykanku uu jawaab ka bixiyo.
Wuxuu sidoo kale sheegay Jeff Davis in Duqeyntaasi ay ku Dileen 9 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo xilligii ay Duqeyntu dhaceysay ku sugnaa goob fariisin ah.
Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Captan Jeff Davis ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan Duqeyntaasi in ay ku geeryoodeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, maadaama ay soo baxayeen warar sheegaya in Duqeyntaasi ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Dowladda, gaar ahaan kuwa Maamulka Galmudug.
Waaciye(WRB)Shacabka ku nool Deegaanka Waaciye oo ka tirsan Deegaanada Puntland ayaa waxa ay qeylo dhaan ka muujiyeen dhibaatooyinka xilligan ka taagan Deegaankaasi.
Dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in biyaha ay u doontaan meel qiyaastii Deegaanka u jirta 20-KM, iyadoo ceelalka ku yaallay Deegaanka ay gureen.
Biyo yaridan soo wajahday Deegaanka Waaciye ayaa waxa ay saameysay dadka iyo duunyada ku nool Deegaankaasi, gaar ahaan Dadka Barakacayaasha ah.
Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in Deegaanka Waaciye uu leeyahay Hal Ceelbiyood, sidoo kalena uusan ku filneyn dadka Deegaanka ku nool.
Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu booqasho ku tagay Deegaankaasi, sidoo kalena uu amar ku bixiyay in dadka ku dhaqan Deegaanka Waaciye loo sameeyo biyo dhaamin, isagoo si gaar ah u dalbaday in 20-Gaari oo ah kuwa biyo dhaaminta ay bilaabaan howlo biyo dhaamin ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu jira walaac laga qabo in hanaanka Doorashada Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fara gelin.
Micheal Keating oo warbixin siinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu sheegay in la qabo cabsi ah in Doorashada mar kale haddana dib loo dhigo.
Qaramada Midoobay ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca Doorashooyinkaasi Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in Doorashadu u dhici doonto si habsan oo hufan.
“Dib u dhacan cusub ee haatan yimi wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliya uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurto gal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale” Ayuu yiri Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Isniintii ayaa saraakiisha Guddida Doorashooyinku ka sheegeen Magaalada Muqdisho, in ay doonayaan in ay dib ugu riixaan Doorashooyinka Bisha November, halkii laga filayay inay qabsoomaan October sababo nabad galyo iyo caqabado maamul oo jira awgood.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in khatarta ay Al-shabaab dalka ku hayaan darteed aanay u suurto galayn in dalka laga qabto Doorasho qof waliba codkiisa dhiibto, Waxaana arrintaa lagu bedelayaa in ilaa 14,000 oo qof oo ka wakiil ah beelaha Soomaalidu ay soo xuli doonaan xubnaha Baarlamaanka cusub.
Cadaado(WRB)Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gelinkii dambe si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la xasuuqo shacabka Galmudug, waxa uu sidoo kale si kulul ugu hadlay khasaarihii gaaray Ciidankii ku sugnaa Xeradii Ciidan ee la Duqeeyay.
Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii ay ula Xisaabtami lahaayeen dadkii ka dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ka baxeen Heshiiskii Labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.










