Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhageyso Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrineyso Yuusuf Sheekh Adan (Qalinle)
ATEERA

Baydhabo-{WMN}-Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:
1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:
Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.
2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.
Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,
Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:
1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
- Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
- Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
- Adam Xuseen Rooble, Xubin
- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
- Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
- Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
- Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
- Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Maamulka G/Hiiraan oo hay’adaha UN-Ka kala hadlay gurmad gaarsiinta degaannada laga saaray Al-Shabaab

Baydhabo-{WMN}-Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo ay wehliso Mayarka Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga siyaasadda Degmadda Beledweyne Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga Hir-Shabeelle Marwo Farxaan Cumar Carte, ayaa kulan wadajir ah la qaatay qaar kamid ah madaxda Hay’adaha UN-ka ee ku sugan degmadda Beledweyne .
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyada Xasan Ibrahim Cabdulle ayaa la waadagay warbixino la xiriiro xaaladaha Gobolka Hiiraan Goobaha Al-Shabaab laga saray baahiyaha Bulsho Nolaleed ee kajiro midaas oo la xeriirto Hormarinta aadanaha Bulshada.
Duqa magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin ayaa la wadaagtay howlaha hortabinta leh ee ka jiro magaalada beledweyne iyo saameynta xaaladaha Bulshada aay ku yeesheen dhacdooyinka iyo xaaladaha ka jiro magaalada iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada Aas-aasiga ah ee lagu hormarinayo kabaayaasha Hormarineed ee magaalada Beledweyne.
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa xusay Ahmiyada aay leedahay in laga shaqeeyo Sidii loo Garab istaagi lahaa shacabka Gobolka Hiiraan loona hormarin lahaa kabaayasha Dhaqaale amni Iyo Bulsho ee aay u baahan yahiin.
Ugu dambeyn masuuliyiinta UN-ka ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Hiiraan Dadaaladooda Hormarineed ee la xeriira amniga Kobcinta, dhaqaalaha, iyo Tayeeynta adeegyada Bulshada midaas oo sare u qaadeeyso Dardargelinta iyo hormarinta adeegyada Bulshada ayagoo u balan qaaday in doorkooda ay kala Shaqeyn doonaan maamulka Gobolka Hiiraan .

Baydhowy-{WMN}-Hoos ka dhageyso Barnaamijka Bandhiga Warsan Radio oo aqrinayo Wariye Nuurto Maxamed Xuseen (Bardhere) iyo Wariye Yusuf Sheikh Adan (Qalinle)
Maamulka G/ Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay Ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab

Baydhabo-{WMN}-Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan Maamulka Degmada Raagacelle Xildhibaan Cabdiraxman Gacal iyo KorneylMasdile ayaa gaaray Degaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Guddoomiyaha iyo mas’uulyiinta la socotay ayaa waxaa so dhaweyn ballaaran u sameeyey dadka degaanka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa waxaa ay kormeen kumareen waddooyinka degaanka Bakajeex iyo Suuqa degaanka .
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Ciidamada Degaanka ee u taagan difaaca Degaanadooda, isaga oo xusay in Al-Shabaab waqtigooda dhamaaday loona baahan yahay in lasii wado dagaalka dalka looga saarayo.

Baydhabo-{WMN}-Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.
“Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto,” ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sirdoonka ee Iran.
“Haddii Iran ay go’aansato inay ka aargoosato oo ay ciqaabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa dumi doona, dalalkani ma heli doonaan xasillooni dambe.” ayuu yiri Khatiib.
Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay ‘cadaw ajaanib ah’ inay hurinayaan qalalaasaha rabshadaha wata tan iyo markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haweenay Kurdish ah oo Iran u dhalatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini bishii Sebtembar kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee jamhuuriyadda islaamiga ah ay kusoo rogtay haweenka.
Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka reer Iran ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa noqday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha hoggaamiyayaasha wadaaddada Iran tan iyo sannadkii 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa.
Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Salami ayaa uga digay Sacuudiga inay xakameyso xarumaha warbaahinta.

Baydhabo-{WMN}-War Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Alshabaab
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka Shabaab.
Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysay dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay .
Shirka Amniga ee Dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu Qabtay Magaalada Baydhabo

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Guddoomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Saraakisha Laamaha Amniga qeybahooda kala duwan,kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowladda UK.
Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta Amniga,Wadaagida Xogaha Alshabaab ay ku dhibaateeyaan Shacabka iyo Udiyaar Garowga howlgallada A-Shabaab looga saarayo Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa warbixino ka dhageystay Saraakisha ciidamada xoogga dalka, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS , iyaga oo sheegay in xaaladda Amni ee degaannada Koonfur Galbeed ay tahay mid wanaagsan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa u faray dhammaan Saraakiisha ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii howlgallo wadajir ah ugu qaadi lahaayeen degaannada ay Al-Shabaab ka joogaan Koonfur Galbeed si ay uga xureeyaan.
Shirka Amniga degaannada Koonfur Galbeed oo todobad walba la qabto ayaa looga hadlaa howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay degaannada Koonfur Galbeed iyo dardar gelinta howlaha sugida amniga.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliye kuxigeenka labaad ee Ciidanka Booliska,Qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka booliska,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, kuxigeenkiisa,Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska Gobolka Nugaal.
Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Caasimadda,Howlgelinta Saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.
Shirkaan looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaaay Puntland ay kordhisay shirarka looga hadlayo arrimaha amniga kadib markii dhawaan Ciidamada Somaliland ay la wareegeen magaalada Boocame ee Gobolka Sool wallow ay dib ula wareegeen Ciidamada Puntland.


