
Hoos ka Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyrada Idaacada Warsan oo ay idin soo diyaarisay Nimco Hassan Isaq.
Hoos ka Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyrada Idaacada Warsan oo ay idin soo diyaarisay Nimco Hassan Isaq.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadal kulul u jeediyay mucaaradka maamulkaasi, isaga oo sheegay in la soo dhaafay xilligii lagu xallin jiray khilaafaadka iyo cabashooyinka iyadoo la adeegsanayo hub.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada sanad guurada maamulka Hirshabelle, isagoo si toos ah u weeraray kooxaha mucaaradka ee ku eedeeya in maamulkiisu u shaqeeyo si hal dhinac ah.
“Waa laga soo tagay xilligii qori wax lagu jirin jiray. Haddii aad qori haysato, waa inaad ogaataa in cadow badan uu dalka soo galay, oo aan maanta la joogin waqti la isku hanjabo,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hirshabelle guud ahaan, isaga oo sheegay in mucaaradnimada hubeysan ay dib u dhigayso nabadda iyo horumarka bulshada.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo soo noqnoqday gudaha Hirshabelle, gaar ahaan deegaannada Jowhar iyo Beledweyne, halkaas oo mucaarad siyaasadeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay marar badan ku dhawaaqeen diidmo ku aaddan hoggaanka hadda jira.
Wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen qodobka ugu weyn ee khilaafka – doorashadii uu qabtay Axmed Madoobe bishii November 2024, taas oo dowladda federaalka ay diiday inay aqoonsato.
Kulanka oo xalay ka dhacay Guriga Martida ee magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid xiiso badan, iyadoo labada Madaxweyne ay si adag ugu adkeysteen mowqifyadoodii hore. Wakiilada dowladda federaalka ayaa ku doodayay in doorashada Jubbaland aysan waafaqsaneyn nidaamka dastuurka, halka dhinaca Jubbaland uu sheegay in doorashadaasi ahayd mid sharci ah oo shacabka maamulkaas ay doorteen.
Waxaa la filayaa in maanta dib loo bilaabo wada-hadallada, iyadoo la rajeynayo in kulanka maanta uu keeno isfahan iyo tanaasul siyaasadeed oo horseeda xal waara. Ilo ku dhow wada-xaajoodka ayaa sheegaya in ay jiraan “rajado wanaagsan”, inkasta oo ay weli jiraan arrimo adag oo miiska saaran.
Madaxa Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji, ayaa si weyn ugu hawlan fududeynta wada-hadallada, isaga oo labada dhinac ku cadaadinaya inay muujiyaan is-faham iyo tanaasul. Nuuradiin Xaaji ayaa habeenkii xalay kulamo gaar-gaar ah la qaatay labada Madaxweyne, isagoo isku dayaya in la helo meel dhexe oo lagu heshiin karo.
Warar madax bannaan ayaa sheegay in dhinacyadu ay oggolaadeen in la sii wado wada-hadallada maanta, iyadoo rajo laga qabo in la gaaro isfaham ku saabsan arrimaha doorashada, maamulka amniga, iyo xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka.
Haddii ay maanta heshiis dhab ah soo baxo, waxaa loo arki doonaa guul siyaasadeed oo muhiim u ah xasilloonida Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Hase yeeshee, haddii kulanku mar kale natiijo la’aan kusoo dhammaado, waxaa la filayaa in wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku boorriyay cid kasta oo ku lug leh dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Qasa in ay “degdeg u howlgalaan” iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay maanta oo Isniin ah ku kulmayaan Masar halkaasoo ay ku yeelanayaan wadahadallo nabadeed oo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.
Wadahadalladan ayaa imaanaya ka dib markii Xamaas ay oggolaatay qaybo ka mid ah 20-ka qodob ee qorshaha nabadda ee Mareykanka, oo ay ku jiraan sii deynta la haystayaasha iyo in maamulka Qasa lagu wareejiyo Falastiiniyiinta, laakiin waxay raadinayaan wada xaajood ku saabsan arrimo kale.
Jawaabta kooxdu ma xusin dalabaadka muhiimka ah ee hub ka dhigistooda iyo in aanay door mustaqbalka ah ku yeelan maamulka Qasa.
Isaga oo baraha bulshada ku qoraya in wada-hadallada guulo laga gaaray, Trump waxa uu yiri: “Waxaa la ii sheegay in wejiga koowaad la dhammeynayo toddobaadkan, waxaana qof walba ka codsanayaa in uu si degdeg ah u howlgalo”
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamed Cali Youssouf ayaa wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Al-Shabaab ay 4 Oktoobar 2025 ku qaadeen xabsiga Godka Jilow ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo badan.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacantay weerarkaas.
Tan ugu muhiimsan, Guddoomiyuhu wuxuu u xaqiijiyay dowladda Soomaaliya, sida ay uga go’an tahay midawga, dhexdhexaadnimada khatarta ah ee argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ee Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda. Doorka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), wuxuu si weyn u yahay ajandahan argagixisada, iyadoo si dhow loola shaqeynayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) ee howlgallada wadajirka ah, si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah AU oo ay ku jiraan Ciidamada iyo Booliiska iyo Beesha Caalamka ee baahsan inay xoojiyaan taageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM si ay si wax ku ool ah u ciribtiraan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.
Dhakhaatiirta ka hawlgasha mid ka mid ah isbitaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Qasa ayaa sheegay in ay la ciirciirayaan dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israa’iil ayna ku qasban yihiin in ay sameeyaan qalliin ay ku jiraan xaalado adag oo aan lahayn daawooyin suuxdin ah.
Mid ka mid ah dhaqaatiirta Australia oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeysanayay isbitaalka al-Shifa ayaa BBC u sheegay in maalin walba ay la kulmaan dhacdo dad badan ay ku dhinteen, halka mid kalena uu ka sheekeeyay sida cunug looga badbaadiyay jirka haweeney uur leh oo madaxa laga gooyay.
Ciidamada Israa’iil ayaa hadda 500 mitir u jira isbitaalka iyaga oo ballaarinaya duullaanka dhulka ah si ay si buuxda ugula wareegaan magaalada Qasa, taas oo milatariga Israa’iil ay ugu “goob ay ku xoogan yihiin”. Xamas.
Goob joogayaal ayaa sheegay in taangiyada ay ku sii siqayaan bartamaha magaalada iyagoo ka kala imaanaya koonfurta iyo waqooyi-galbeed.
Xigasho:-BBC
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.
Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.