
Beeraleyda ka soo barakacday abaaraha gobolka Baay ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo. Xeryahani ayaa buux dhaafiyay, waxaana sii kordhaya dadka ku soo biiraya.
Kaamka Idaale one oo ku yaal duleedka Baydhabo, waxaa ku nool 512 qoys oo abaaraha ka soo barakacay. Edoy Aadan ibraahim , oo ka mid ah haweenayda kaamkaas ku nool, ayaa sheegtay inay ka soo barakacday tuulada Buulo gaduud oo ku taal gobolka Baay, kadib markii roobabkii Deerta ee sanadkii hore aysan u Bixin dalagyadii beeraha soo goos lahaayeen Hadda waxay ku nool yihiin xaalad adag, iyadoo qoyskeedu ay ku noolyihiin hal cunto maalintii, inta badan kaalmada deriska.
Sidoo kale, boqollaal beeraley ah oo ku nool gobollada Baay iyo Bakool ayaa muddo saddex sano ah ka soo barakacay abaaraha, waxayna hadda Xaalada Adag kaga Nool yihiin kaamamka Duleedka Magaalada Baydhabo .Abdikariin Xaaji Xuseen , oo 60 jir ah, Ku Nool kaamka Idaale one ayaa sheegay in Asaga iyo Qoskiisa oo gaaray 10 qof Asaga, 8 Caruur ah iyo Hooyadooda in Xeligani Xaalada Adag ay ku nool yihiin. Abdikariin sidoo kale Sheegay In Nolosha qooska Ku maareeyo Xoobo uu ku soo guray Gaari Dameer uu Asaga leeyahay Balse aysan ku filaneyn Maareenta Nolosha qooskiisa. Waxaan uu Maamulka Kgs iyo Hay,daha Samfalka in ay Garab siyaan si uu ugu Baxo Noloshaan Adag ee uu hada ku sugun yihiin Asaga iyo Qoskiisa.
Guddoomiyaha Beeraleyda Gobolka Baay, C/nuur Ibraahim Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaalada adag ee ay wajahayaan beeraleyda gobolka xilligan. Wuxuu xusay in abaaraha soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen wax-soosaarka beeraha, taasoo keentay hoos u dhac ku yimid nolosha beeraleyda. Gadoomiye C/nuur Ibraahim Maxamed wuxuu carrabka ku adkeeyay in beeraleyda gobolka ay la tacaalayaan dhibaatooyin kale sida amni-darro ka jirta deegaanada qaar, taasoo caqabad ku noqotay in si nabad ah loo beero loona goosto dalagyada. Wuxuu ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka inay gargaar degdeg ah la gaaraan beeraleyda si loo badbaadiyo noloshooda loogana hortago macluul soo food saarta bulshada ku tiirsan wax-soosaarka beeraha.
Xaaladda beeraleyda ee Gobolka Baay ayaa u baahan dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada si wax looga qabto dhibaatooyinka is-biirsaday ee saameeyay wax-soosaarka iyo nolosha beeraleyda.
















