Baydhabo Somaliya{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaa soo saarey Wariye Bishaar Mayow Mukhtaar waxaa soo jeedin dono isla Wariye C/rishiid Rashka .
Ateera
Sanadwalba 21-febuary guud ahaan waxaa laga xusaa dalka oo dhan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo,Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah magaalooyinka dalka ee xuska maalintan uu ka dhacay.
Akdeemiyad Gobaleedka marka magaceeda lasoo gaabo loo yaaqaano AGA oo u taagan horumarinta afsoomaaliga ayaa munaasabad lagu xusayay maalintan ku qabtay xarunta KMG ah koonfur galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Dr,Maxamed Cali Kalay oo ah wakiilka akdeemiyada ee koonfur galbeed ayaa furey u jeedada munaasabada iyo muhiimada ay leedahay maalintan,iyadoona boorka hal ku dhiga sanadkan uu ahaa afka hooyo waa furaha dib u heshiisiinta bulshada.
Xubno ka socodey Ururada bulshada rayidka ahoo kulanka ku casuunaa oo hadlay ayaa dul istaagey munaasabada maalinta afka hooyo,iyadoo si gaar ah ksoo qeyb galayaasha uga hadlayeen afka Mayga horumarintiisa maadama afsoomaaliga uu yahay May iyo Maxatiri sidii uu ula mid noqon lahaa kan maxaaga qoraal ahaan iyo ku hadalkiisaba.
Muxidiin xusni oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ ahna Gudoomiyaha ururka Suxifiyiinta Koonfur galbeed SOWEJA oo goobta ka Hadley ayaa sheegey in warbaahintu door weyn ka qaadan karto horumarinta Afla hooyo iyo inuusan baabi,in afka uu uusan ku milmin Luqadaha Ajanabiga ah sida hadaba loo barxo oo dadka qaar marka ay hadlayaan soo dhax geliyaan afafka qalaad Ingiriiskana u badan yahay.
Waa sanadkii afaraad oo akdeemiyed gobaleedka Afka hooyo ee AGA ka hirgeliso xuska maalintan deegaanada Koonfur galbeed,waxaana inta badan diirada lagu saaraa afka mayga sidii u noqon lahaa af qoran oo leh qaamuus isaga u gaar ah..
Mukhtaar sheikh aadan dalmar oo ah qoraa iyo baare murtida af mayga ayaa ka Hadley erey bixinta ay kusoo kordhiyeen warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay warbaahinta nooleynta afka.


KULANKA WADATASHIGA QORSHAHA HORMARINTA QARANKA QEYBTIISA 9AAD OO BAYDHABO KA FURMAY.
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ka qeyb galey daahfurka qorshaha horumarinta qaranka Sagaalaad kaas oo kulan lagu daah furayay lagu qabtay xarunta KMG ah KOonfur galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Wasaarada qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee xukuumada Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaarada qorsheynta Koonfur galbeed ayaa wada barnaamijkan,iyadoona ay ka qeyb galeen Madaxda Wasaaradaha ee labada dhinac ee haar fadaraal iyo maamul gobaleed.
Agaasimaha Wasaarada qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Xukuumada Soomaaliya Asad Yuusuf ayaa marka hore sharaxaya qorshahan horumarinta Qaranka sagaalaad ee hada wasaarada ay wado wuxuu yahay iyo sida la rabo iney bulshada koonfur galbeed uga qeyb qaataan.
Siihayaha Wasiirka wasaarada Qorsheynta Maamulka Koonfur galbeed Candinsir Caruush ayaa ka Hadley waxaa uu kaga duwanyahay Qorshaha horumarinta qaranka sided ee hada gaba gabada maraya iyo midkan cusub oo hada diyaarintiisa socota.
Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa dhankiisa soo dhaweeyey qorshaha horumarinta qaranka sagalaad isagoona bulshada u sheegey iney ka soo gudbiyaan wax yaabaha uga daran ee wax looga qabanayo isagoona daahfurey gaba gabadii.

Diinsoor(WMN) Degmada diinsoor waxay ka mid tahay degmooyinka katirsan gobolka baay ee koonfur galbeed soomaaliya’ waxayna kamid tahay degmooyinka xiligaani ugodoonsan kooxda al shabaab oo dhibaato kuhayaan dadka ku nool degmada iyo degaanada kale.
Sanado gacanta ay kuhayeen degmada diinsoor kooxda al shabaab waxay galaafsadeen xaruumihii loogu adegaayay shacabka iyadoona maalin walba ay xukumi jireen dad degnaanka kunolaa’ iyadoo la ogyahay in dadka qaar ay iskaga tagi jireen degaanka kadib markii kooxda al shabaab dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ay kala kulmeen.
Waxay baabi’iyeen xaruumihii ay ku shaqeynayeen hay’adihii degaanka ganacsatada’caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo maclimiinta iskuulada ku yalaan degmada diinsoor ay la kulmi jireen jirdilo iyo hanjabaadyo taasi oo cabsi badan ku beertay maclimiinta iyo dadka kaleba.
Dhibaatooyinka dhanka maclimiinta ay geesteen kooxda al shabaab ayaa sameyn weyn ku yeelatay bulshada dhaxdeeda.
Dhalinyaro badan oo degaanka rajo kalahayeen degaanka ayaa waxay noqdeen kuwo rajo beeley iyo qaar iskaga tageen degaanka taasi oo sabab ah gumaadka iyo dhaqdhaqaaq aan ka jirin degaanka.
Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan oo kuyaala degmada diinsoor dhoor maclin oo wax kadhigi jireen iskuul kaasi ayaa waxay la kulmeen dhibaatooyin jir dil ah qaarkood ayaa afdoob lakulmeen maalmo kadib qoyskooda quusi ay kagareen nolol iyo geeri.
- Abdisalan Mohamud Ali.
- Mohamed Haji Hassan.
- Mohamed Siidow Aden.
- Mahamud Hussein Osman.
- Abdirahman Abdirahim Moalim.
Waxay kamid yihiin maclimiinta dhibaatooyinka ay u geesteen kooxda al shabaab iyagoo dhamaantooda maclimiin ka ahayeen Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee degmada diinsoor qaarkood markii ay afduubteen ayaa laga sabray.
Markii ay mudooyin kadib ay kazoo baxeen gacanta kooxda ay shabaab ayaa qaar iyaga kamid ah laga dhoofiyay oo waxaa loo xiray dharka dumarka cabsi laga qabo kooxda al shabaab in mar kale ay dhibateyaan.
(Abdirahman Abdirahim Moalim) oo kamid ahaa maclimiinta laga afduubtay Dugsiga hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee degmada diinsoor ayaa ah qofka sida aadka ah dhibaatada kooxda al shabaab u geesteen waxaana ay kuxukumeen dil.
Abdirahman Abdirahim Moalim oo kamid ahaa macalamiintii dhibaatada weyn ay u geesteen kooxda al shabaab ayaa afduubka kahor waxaa uu kunolaa nolol murugo ah taasi oo keentay hanjabaadyada loo soo marsiyo Qadka telephonka iyo Xaruntiisa iskuulka.
Abdirahman Abdirahim Moalim iyo qaar kale ayaa wali yihiin dadka u calamaysan kooxda al shabaab.
Kooxda al shabaab ayaa waxay weerar kusoo qadeen iskuulka hoose dhaxe sare ee futuraxmaan ee kuyaala degmada diinsoor ee gobolka baay 2014 07 waxayna kala baxeen oo ay ka afduubteen Abdirahman Abdirahim Moalim iyo qaar kamid ah macalamiin kale oo wax kadhigaan iskuulkaasi kuwaasi oo la adeen meelaha ay ku xirtaan dadka ay afduubtaan.
Sidaasi ay tahay Abdirahman Abdirahim Moalim iyo kuwii kale ayaa lagu waayay nolol iyo geeri meeshii lageeyay’ xiriri badan ay sameyeen qoysaskii ay ka dhasheen ayaa loo diiday in lasiyo jawaab ah halka lageeyay nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin taasi oo dhalisay in laga quusto.
Kooxda al shabaab ayaa wali dhibaatooyin kuhayaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool degaanadaan koonfur galbeed soomaaliya’ iyadoo isbuucyo kahor kooxda al shabaab carruur badan ay ka afduubteen degaanka misir oo 30 KM ujirta degmada diinsoor ee gobolka baay.
Kooxda al shabaab ayaa inta badan carruurta ay afduubtaan waxay u adeegsadaan dagaalada waxayna ku shubaan fikirido qadan(Xagjir).
Degmada diinsoor ee gobolka baay waxaa kataagan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah dadka kunool ayaan heyson nolol fiican degaanada qaar ee katirsan degmada diinsoor waxaa kusugan kooxda al shabaab waxay geystaan dil’jir dil iyo dhac iyadoo intaasi dhan logeysto dadka nugul.
DHAGEYSO:Xubnihii ka harsanaa Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo galankii dambe ee maanta lagu dhawaaqay.
Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo dhamaystiray xubnihii ka dhinanna golihiisa wasiirada, waxaana lagu dhawaaqay 15 wasiir iyo 25 wasiir ku xigeen oo ka mid noqon doono golaha wasiirada xukuumadda cusub ee madaxweynaha Cabdicasiis laftagareen.
Waxaana magacyada wasiirda iyo wasiir ku xigeenada ku dhawaaqay Af-hayeenka Madaxtooyada KGS Nuuradiin Abuukar Yuusuf Gacma dheere.
Shan iyo Tobanka wasiir ee galinkii danbe maanta lagu dhawaaqay ayaa ka dhigaya tirade guud ee wasiirada Koonfur Galbeed Shan iyo Labaatan wasiir oo marka lagu daro wasiir ku xigeenada oo Iyana gaaraya 25 wasiir ku xigeen, oo isugayntoodo noqonayso 50 wasiir oo tirade haweenka 50 ku jira ay tahay laba haween kaliya oo midi tahay wasiir buuxa halka tankale ay ka tahay wasiir ku xigeen.
DHAGEYSO+AKHRISO:=WAZIIR KU XIGEEN KA MID AHAA GOLAHA CUSUB EE KGS OO IS CASILEY .
Xili Saacado Ka hor Dikreeto Ka soo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha KGS C/siis Xasan Maxamed Lafta Gareen Lagu Magacaabey Waziiradii Ka Harsanaa Xukuumada KGS Ayaa Waxaa Qaar Ka Mid ah Xubnihii Loo Magacaabey Xilka Waziirnimo Ku Dhawaaqen iney iska Casileen Xilka Loo Dhiibey
Xildhibaan C/salaan C/lahi Yalaxow oo Loo Magacaabey Waziir Ku Xigeenka Wazaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka KGS Ayaa Ku Dhawaaqey inuu iska Casiley Xilka Loo Dhiibey wuxuu Taasi Sabab uga dhigey iney Awood Qeybsi ahaan Beeshiisa Mudneyd Waziir Ku xigeen in Lasiiyo Xuquuqda KGS Ay ku leeyihiina Lagu Xad gudbey Sidaasina uu iskaga Casiley Xilkaasi .
Horey Wuxuu u ahaa Waziir ku Xigeenkii Wazaarada Warfaafinta KGS Hadana Waxaa Loo Magacaabey Waziir Ku Xigeenka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka KGS. Lama Garanayo Sababta Xukuumadii hore ee Shariif Xasan ugu Qanacsanaa Waziir Ku Xigeen Maantana uu Ku Saluugayo Xilka Loo Dhiibey .
Akriso+Sawiro:Siyaasi Cabdulaahi Maxamed Idiris Lesto iyo Malaaq Ibraahi Macalin Isaaq Leeysaamoow oo bulshada ugu baaqeey in ay taageeraan wasiirada cusub ee shalay uu magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Golihii wasiirada Koonfur Galbeed ee shalay lagu dhawaaqay sedex kaliya ayaa ka mid ahaa golihii wasiirada xukuumaddii Shariif Xasan Sheekh Aadan, intooda kale waa dhalinyaro aqoonyahano badan, balse siyaasada saaxadeeda ku cusub.
Malaaq Ibraahim Macalin Isaaq Leeysaamoow waa oday dhaqameed ka tirsan golaha malaaqyada koonfur galbeed, waxaa ka hadlay golahii wasiirada shalay la magacaabay.
Cabdulaahi Maxamed Idiris Leesto waa siyaasi wax badan siyaasada ku soo jiray, waxaana uu ahaa lataliyiihii dhanka Amniga siyaasada iyo arimaha Bulshada Madaxweynihii hore ee KGs Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa uu isna ka hadlay wasiirada la magacaabay iyo sida uu ugu kalsoonyahay soo xulista wasiirada.
Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa aad u hadal hayo 10-ka wasiirada ee shaley lagu dhawaaqey,waxaana jira qaar ka mid ah bulshada oo aan la dhacsaneyn Wasiirada la magacaabay.

Xulalka Soomaaliya & Eritrea Oo Kulan Saaxiibtinimo Ku Ciyaari Doona Caasimahada Dalka Somalia
Xulka qaranka Eritrea ee da’dooda ka hooseyso 20 sanno ayaa u duuli doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya 14ka bisha Febraayo halkaasoo ay kulan saaxiibtinimo kula ciyaarayaan dhigooda Soomaliya.
Kulankaan saaxiibtinimo waxa uu hordhac u yahay tartanka nabada iyo saaxiibtinimada ee afarta wadan ee deriska ah ay ku yeelan doonaan magaalada Asmara ee caasimada Eritrea 11ka ilaa iyo 20ka bisha April.
Waxaa tartankaas ka qeyb geli doona Soomaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Ethiopia.
Warkaan waxaa bartiisa Twitter ku shaaciyay joornaaliistaha reer Eritrea Paulos Netaby
Waxey Hadey Dhacdo ay Noqon Dontaa Mid Guul u Tahay Labada Dal iyo Shacabkooda Waxeyna Noqon-Doontaa Mid Xiisa gaar Ah leh Ciyaartaasi.


Baydhabo=-Buuxinta Kursiga ka Banan Barlamanka Soomaaliya uan Banana Mid Ka mid ah Beelaha KGS
Kursigan golaha shacbka ka banaanaa ee doorashadiisa manta lagu qabtay Magaalada baydhabo waxaa ku tartamayay ilaa afar musharax oo kala ahaa Claahi Sheekh Maxamed,Cabdiqadir sheikh maxamed nuur,Isxaaq Khaliif Claahi iyo Xasan Macalin Ibraahin sida gudigga doorashada sheegeen.
Sida sharciga ah ee xildhibaanadii horey loo doortey waxaa dooranayay ergooyin gaaraya 51 laakin Ergooyin manta kursigan doorashooda ka qeyb galayay ayaa gudiga ku sheegeen 44,laakin laba ka mid ah Ergooyinka soo xaadirin,laakin howlka doorashada ka dhaceysey waxaa fadhiyey halka musharax ee kursiga ku guuleystey claahi Sheekh Maxamed,iyadoo sedexda musharax kale kuraastii loo diyaariyey ay banaanayeen.
28-kii bishii April sanafdkii hore ayaa kursigan waxaa ka geeriyoodey Marxuum Khaliif sheikh claahi duurey oo golaha shacabka ka tirsanaa,Musharaxiinta goobta ka maqanaa ayaa dhowr jeer gudiga doorashada ku eedayay in kursigan Gudiga doorasha u afduubanyahay,waxaana muuqaneysey in tabasho beesha kursiga iska leh ka dhax muuqatey sida goobta doorashadaba laga dareemayay.
BY:Muxidiin Xusni








