Hoos;- Ka dhageyso;-Khasaaraha ka dhashay Dagaal beeleed ka dhacay Degmada Walaweyn Ee Gobolka Shabeelaha Hoose:
video
Dhageyso;- Gudoomigii hore Degmada Baraawe Omar Sheekh Cabdi OO Wareysii Idaacada Warsan
Hoos;-Ka dhageys “Baraawe waxay u baahan tahay in Cadaalad loo helo Cadaalad kama jirto Baraawe” Gadoomiyihii hore Drgmada Baraawe Omar Sheekh Cabdi.
Daawo Muqaalkaan Waxaa Maanta Lasoo Gebabeyey Tartan u Dhaxeeyey 4 Farta Xaafadood oo uga Weyn Magaaalada Baydhabo
Waxaa maanta lasoo gebabeyey Tartan u dhaxeeyey 4 farta xaafadood oo uga weyn magaaalada baydhabo kaas oo kasucuday Xaruunta degmada ee magaalada baydhabo .
afarta xaafadoon waxay ku tartamayeen ciyaaraha hidahi dhaganka ee xaafad walba caanka kutahay iyadoo goobta tartanka kusocodeen ay fidhiyeen mas’ suuliyeen oo horkaceyey kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka beeraha iyo waraabka, Xildhibaano, wasiiro, kuxegeenka gobalka, gudoomiyaha degmada iyo kuxegeenkiisa, Taliyaha ciidanka asluubta, odiyaal dhagameed, iyo giibaha kaladuwan ,
kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka waraabka iyo beeraha Mudane Maxamed Xassan Fiqi oo kahadlay xafladii Tartanka ayaa amaanay barbaarta gaashaaman ee ku soo bandhigtay ciiyaarahii hidahii iyi dhaganka ee caanka ku tahay koonfur gabeed iyo dadkii soo gaban gaabiyey isku imaatinka nabad ku noolaashaha iyo doorashooyinka iyo abaaraha kajira deegaanada koonfur galbeed soomaaliye sidii wax looga qaban lahaa kusimaha oo hadlaya waxaa oo yiri,
Daawo Muqaalka xirtaankii Siminaarka soma oo ka socday magalada baydhabo janaay
xirtaankii Siminaarka soma oo ka socday magalada baydhabo janaay ayaa maanta la soo gabagebayey
waxaa meesha ka hadlay,
Daawo {Vedio} Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa maanta Waxa ay Gaareen Magaalada Beydhabo.
Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Beydhabo ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed C/naasir Nuur Caruush.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed C/naasir Nuur Caruush oo Garoonka Diyaaradaha magaalada Beydhabo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Berri magaalada Beydhabo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Barnaamijka Qorshaha Qaranka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay shirka Berri ka furmaya magaalada Beydhabo iyo waxyaabaha looga hadlayo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera
Daawo {Vedio}Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kormeeray saldhigyo ku yaala magaalada Beydhabo ee gobolka Baay.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo maalinkii Labaad ku sugan magaalada Beydhabo ayaa ujeedka safarkiisa waxa uu yahay in uu maalinta berri ah Tababar u soo xiro ciidamo in mudo ah magaaladaasi Tababar ku qaadanayay.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeeray xarumaha ugu waa weyn ee ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Beydhabo sida Saldhigyada, Fariisamaha ciidanka, Goobaha ay ku xareysan yihiin ciidanka iyo Goobo kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn waxa uu Ciidanka Koonfur Galbeed kula dar daarmay in ay adkeeyaan amaanka magaalada Beydhabo sidoo kalena ay ka feejignaadaan weerarada Shabaab mararka qaar ka imaan kara.
Wariyaheena inooga soo warama magaalada Beydhabo Siid Cali Muuse Maxamed ayaa arimahaasi ka wareysanay.
Daawo Vdeio AMISOM oo ku baaqday in Taageero Caalami ah Loo Fidiyo Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.
Shir mudo 5 maalin ah ugu socday magaalada Muqdisho Taliyayaasha Amisom ayay isku raaceen in kor loo qaado wadashaqaynta AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed iyo in latayeeyo howl galada lagaga horjeedo Al-shabaab.
Qodobada kasoo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in ladhiso awooda ciidamada Somaliya lagana dhigo kuwa aqoon u leh shaqada ay qabanayaan sidoo kalana awood u leh in ay lawereegaan ammaanka dalka marka uu dhamaado waqtiga uu ku egyahay joogitaanka ciidamada AMISOM.
Shirkaan ayaa waxaa lagu sheegay sidoo kale in AMISOM iyo SNA ay tahay in ay kala kaashadaan wax yaabaha farsamada iyo arrimo kale ay tahay in ay kala kaashadaan Qaramada Midoobe.
Taliyayaashaan ayaa waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la dedejiyo taageerada hubka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin SNA si hawgalkoodu uu u noqdo mid waxtar leh.
Maalintii ugu dambaysay ee kulanka uu soo xirmay ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil sar sare oo ka kala socda AMISOM IYO DFS, waxaana kamid ahaa Francisco Madeira;iyo Raisul wasaare ku xigeenka DFS, Mohamed Omar Arte.
Daawo Vedio Shir looga hadlayo tayeynta iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Shir looga hadlayo tayeynta iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda dowlad goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya , sida Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland Puntland, iyo sidoo kale xubno matalaaya gobolada aan wali loo sameyn dowlad goboleed.
Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ah wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan lagu tayeynaayo dowladaha Hoose maamul goboleedyada.
Shirkaan ayaa ah midkii shanaad waxaana horay loogu soo qabtay qaar ka mid caasimadaha dowlad goboleedyada sida Kismaayo , iyo Cadaado.
Daawo sports oo Laga Wareystay wasiir ku xigeenka sportska Koonfur Galbeed Soomaaliya attaka aadan
sports oo Laga Wareystay wasiir ku xigeenka sportska Koonfur Galbeed Soomaaliya attaka aadan