Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden yaa maanta oo Axad ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Gollaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa in ka badan 90 Mudane oo ka tirsan Golaha iyadoo sidaas uukulanka ku furmay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.
MadaxweyneΒ Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa qudbadΒ ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.
Madaxweynahu wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.
Isbadalkii Β dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu ahaa mid dadku ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.
Baarlamaanka ayuu Madaxweynahu gaba gabadii ku dhiiri galiyay in ay shaqadooda dar dar galiyaan mudada Dowladan u hartay si wax miro dhal ah ay uga tagaan oo hadhow loogu aayo.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kulanka koobaad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.