Baydhabo Somaliya{WMN}-Taliyaha guutada 1aad ee ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Yuusuf ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kadib markii gaari uu saarnaa ay kula kacday miino meel u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha guutada koowaad General Ibraahim Yuusuf uu horkacayay ciidamo gurmad u fidinayay askar ay Al-Shabaab wadada u galeen.
Dhaawaca soo gaaray Taliyaha guutada koowaad ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud hase yeeshee qaar kamid ah ciidamadii la socday ayaa ku geeriyootay qaraxa miino ee haleelay gaarigiisa.
Wararka u dambeeya ee laga helayo weerarka dhabagalka ah ee dagaalamayaal ka mid ah Al-Shabaab ku qaadeen labo gaari oo mini bus iyo gaari Surf ah ayaa sheegaya in ay ku dhinteen illaa toban askari halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee la xiriira weerarka dhabagalka ah iyo dhaawaca taliyaha guutada koowaad ee ciidamada xoogga dalka.