Kadib markii xalay saqdii dhexe ay Al-Shabaab weerar qarax ku billaawday ku qaadeen degaanka Geedweyne oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamo aad u farabadan iyo Saraakiil katirsan laamaha Amniga.Taliyaha Amniga Degmada Doloow Ibraahin Hilowle Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Booliska degmadaas Cabdicasiis Ooyow iyo Ciidamo gurmad ah ayaa gaarey degaanka GedweyneWararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa ay billaabeen owlgallo xoogan oo ay ku baadi goobayaan xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.Gudoomiyaha Gedweyne Yuusuf Dirir Cabdinuur oo ku sugan saldhiga booliska Gedweyne ayaa sheegay in la iska difaacay weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabab, isla markaana khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkii dhacay.Wuxuu sheegay in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, ayna gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab