Diinsoor(WMN)_Wafdigan uu hoggaaminaayey wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka soomaaliyeed ee koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa manta soo garey degmada diinsoor ee gobolka bay,
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka wasaaradda qorsheynta koonfur galbeed Mudane Axmed Madoobe Noonow Mohamed iyo masuuliyiin kale waxaana garoonka diyaaradaha degmada diinsoor ku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sheikh Abdulaahi Adaf gudoomiyaha degmada Diinsoor ku xigeenadiisa odayaasha dhaqanka waxgaradka culimada dhalinyaradda haweenka iyo barbaabrta gaashaaman ee degmada waxayna lulayeen caleemo qooyan ayagoona ku dhawaaqayay soo dhawaada Jaaliyaal iyo Ariyo kale.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa ugu mahadceliyey guddoomiyaha iyo shacabkiisa sida ay u soo dhaweeyeen wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada safarkooda kuna sheegay inay tahay dardargelinta dhismaha golaha deegaanka ee degmada Diinsoor