Somaliland qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka Corona Virus sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka maamulkaas, oo maanta warbaahinta la wadaagtay macluumaadkii ugu ee dambeeyay.
Saddex qof oo cusub ayaa sidoo kale laga helay cudurka, waxaana sidaasi tirada guud ay ku noqonaysaa 12 qof.
Somaliland marka loo eego qeybaha kale ee Soomaaliya waxay ka hooseysaa faafitaanka cudurka.
Puntland oo deriskeeda ugu dhow cudurka ayuu si xowli ah ku faayayaa cudurka isagoo maraya 38 qof.
Halka Muqdisho uu marayo 834 xaaladdood iyo dhimashada 38 qof.