Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta Xaruntooda Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankii 5aad ee Kalfadhiga 7aad.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, waxaana shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare.
Senatorada ayaa kulanka ku dhageystay warbixin uu Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ka soo diyaariyay Dastuurka Qabyo Qoraalka.
Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ayaa Senatorada Golaha Aqalka Sare u faah faahiyay warbixinta, ay ka soo diyaariyeen Dastuurka dalka loo sameynayo.
Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray kulankaasi.