Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle oo dhawaan soo gaaray Caasimadda.
Kulanka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxaa uu ahaa mid la xiriira is xog-wareysi dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, sidoo kalena looga hadlay arrimo kala duwan.
Madaxtooyada Hirshabeelle qoraal ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in kulanka Madaxweyneyaasha looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo Shirka saacadaha soo socda u furmaya Dowladda iyo M/Goboleedyada.
Sidoo kale Madaxweyne Waare iyo Lafta-gareen ayaa isla gartay xoojinta xiriirka wanaagsan ee dhexeeysa maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Iskaashi ku saleysan arrimo kala duwan.
Dhinaca Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed uu sheegay in kulanka isna looga hadlay xaaladda siyaaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/2021, uuna qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS.
Maalmihii lasoo dhaafaay ayaa waxaa Muqdisho ka socdauy kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay kulamo la qaateen Masโuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, siyaasiin iyo xubno kale.