Wararka aan ka heleyno magaalada Waajid ee gobolka Bakool waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay xalay weerar xoog leh ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada oo gacan ku heynteeda ay mudo kooban la wareegeen, iyagoo waaberigii hore ee saakay isaga baxay.
Weerarka Al-Shabaab ayaa ku bilaawday madaafiic ay markii hore ku garaaceen garoonka diyaaradaha magaalada Waajid ee gobolka Bakool.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Waajid, waxaana saakay degan xaaladda magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada, welina wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada iyo madaafiicdii ka horeysay ee lagu garaacay.