Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo Xubnaha Guddiga Adeegga garsoorka iyo Xubnaha Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Guddiyadaan ayaa la doonayaa in la meel mariyo kaddib markii soo jeedintooda wasaaradda caddaaladda ay jeediso.
Magacaabista Guddiga adeegga garsoorka dalka ayaa horey waxaa ugu soo horjeystay qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo siyaasiyiinta qaar oo ay ku tilmaameen mid aan sharci loo marin magacaabistooda .
Sababaha dhaliilaha loogu jeediyay ayaa lagu sheegay in ay meel mariyeen xubnahaan marka hore goĺaha wasiirrada ee xil gaariista ahaaa.
Dhanka kale Xildhibaannada golaha shacabka ayaa meel marin doona Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.