Wariye C/qaadir Faarax Dulyar ayaa lagu xiray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Booliska ayaa Wariyaha ka kaxeystay hotel uu ka deganaa Magaalada Beledweyne, oo maalmo ka hor uu gaaray.
Wariye Dulyar ayaa waxaa lagu haystaa wareysi uu duleedka Magaalada Beledweyne uga soo qaaday General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Militariga Somaliya, haatana ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle.
General Xuud ayaa hadda hoggaaminaya Jabhadda HLF (Hiran Liberation Front) oo daba-yaaqadii bishii hore ee November looga dhawaaqay deegaanka Ceelgaal ee duleedka Beledweyne, isagoona ka biyo diidan doorashadii 11-kii November ka dhacday Magaalada Jowhar, Cali Guudlaawe-na loogu soo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Hirshabelle.
Dulyar ayaa wareysiga horudhaciisa soo dhigay bartiisa Facebook, waana midda keentay xarigiisa.
Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Maamulka Hirshabelle ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xariga ninka Wariyaha ah loogu gaystay Beledweyne.
Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida wadamada ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.