Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Alle ha u Naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Ibraahim Kamaal (Xuseen Dheere), ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen Tuulada Njoli oo hoos tagta Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koonfur Afrika.
“Walaalkeen Xuseen Dheere, koox tuugo ahaa soo weerartay xilli uu alaab ka dejinayey Gaari Bakkie ah oo uu adeeg ugu keenay Dukaanka, waxayna xabadaha kaga dhufteen Wadnaha iyo qeybo kale oo qaarka kore ee jirka ah, islamarkiina naf dhulka lama dhicin wuuna dhintay, gaarigii iyo macal alaantiina way qaateen, balse dukaanka ma dhicin” ayuu yiri Shuceyb Aadan Maxamed oo ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan halka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa u gurmaday, iyaga oo Kooxaha Burcadda ah ka badbaadiyay alaabka u taal Goobtiisa Ganacsiga.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsato ah, waxaana mar walba ay Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah ay kala kulmaan dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.