Qarax xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar Degmada Xamarjajab ee Gobolkani Banaadir, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya qaraxa.
Qaraxa ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay Maqaayadda Luul Yamani, oo ku taalla Degmada Xamarjajab, waxaana uu sababay khasaare soo gaaray dadkii ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay, Ciidamada Booliska oo goobta gaaray ayaa xiray isku socodka guud ee aagga ay wax ka dhaceen.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo addegsaday mooto Gaari nooca FEKON laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa si uu sheegay Afhayeenka Booliska, waxaana jira guryo ka agdhawaa Maqaayadda oo dumay kadib saameyn xooggan oo uu ku yeeshay qaraxu, iyadoo la sheegayo khasaaro soo gaaray dadkii ku noolaa xaafadahaasi.
Sidoo kale Gaadiidka gurmadka ayaa garay Maqaayadda qaraxu ka dhacay, waxaana la arkayay gaadiidka gurmadka deg degga ah oo goobat ka qaadaya dhaawacyo, kuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho.
Taliska Booliska Soomaliya ayaa ka warbixiyay Qarax khasaaro gaystay oo caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maqaayadda luul Yamani oo ku taalla Degmada Xamarjajab ee Gobolkani Banaadir.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana Afhayeenku uu sheegay in ka badan 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxa, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uu jiro khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay Qaraxa, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa aagga qaraxu ka dhacay.