Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa si adag u beeniyay in kolonyo uu la socday ay Sabtidii jireen dad rayid ah.
Barraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar sheegaya in kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku jireen mooto bajaaj ay rakaab la socdeen.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa been abuur ku tilmaamay warka la soo geliyay sida uu yiri barraha bulshada.
Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa tilmaamay, haddii ay jirto gaadiid Ciidanka Xoogga Dalka leeyahay oo dhibaateeyay dad rayid ah in arrintaasi baari doono, isagoo intaa ku daray haddii falkaasi la xaqiijiyo in talaabo sharci ah laga qaadi doono ciidamadii gaystay.
Warar kale ayaa sheegaya in gaadiidka mooto bajaajta jiiray ay wateen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Goobjooge ka ag-dhawaa goobta uu shilku ka dhacay ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in laba qof oo rakaab ahaa oo mootadaasi la socday ay geeriyoodeen, halka wadihii mootadana uu dhaawac culus soo gaaray, isla-markaana ay carareen ciidamadii falkaasi gaystay oo gaadiidka nooca gaashaaman watay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xilliyada qaarkood lagu eedeeyaa inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah, kolka ay marayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda ayaa rasaas fura, marka ay ciriiri/jaam ka dareemaan wadooyinka ay adeegsanayaan.